Safiirka Imaaradka Carabta oo maanta Booqasho gaaban ku tegay magaalada Kismaayo ee G/Jubbada Hoose.

Safiirka ImaaraadkaWafdi uu hogaminayo Safiirka dowlada imaaradka Carabta ee Soomaaliya ayaa gaaray Magaalo xeebeedka Kismaayo , wafdigan ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay wasiirka arimaha gudaha ee maamulka Jubba Maxamed Warsame Faarax iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaas.
Wafdigan ka socda dowlad Imaaradka Carabta ayaa markii loo soo galbiyay gudaha magaalada Kismayo waxay kulan la qaateen madaxda sare ee maamulka Jubba oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha Jubba Axmed Maxamed Islaam “ Axmed Madoobe.

Kulan ayaa intuu socday waxaa looga hadlay arimo badan oo ay kamid yihiin siyaasada iyo dhaqaalaha ee haatan Soomaaliya ka hanaqaadayso, waxana intii uu socday kulanku hadalo kala duwan ka jeediyay labada dhinac ee uu kulanku quseeyay.

Danjiraha dowlada Isutaga Imaaradka Carabta ee Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Al-Cismaan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida loo soo dhaweeyay waxaana uu hooska ka xariiqay inuu aad u wayn yahay xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta,waxaana intaas ku daray inay dhawaan gobolada Jubooyinka ka bilaabi doonaan mashaariic horumarineed maadaama ay gobolaasi ka mid yihiin kuwa kheyraadka iyo dhul-beereedka ku haboon.

Sidoo kale Madaxwaynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa isna si weyn uga mahad celiyay imaatinka wafdigan ka socday dowladda Imaaradka Carabta, waxaana uu tilmaamay inay yihiin waftigii Carbeed ee mudo 20 ka badan soo booqda Jubooyinka waxaana uu ku amaanay doorka muuqda ee Hiilka iyo Hooda ay la garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dhanka Horumarinta iyo dib-dhiska.

SomaliSwiss      Kismaayo
SomaliSwiss@hotmail.com

 
%d bloggers like this: