Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo gacan ka helaya Kuwa AMISOM oo Si Buuxda ula Wareegay Degmada Tiyeeglow ee G/Bakool

???????????????????????????????War naga soo gaaray degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku haynta degmadaas iyo deegaano kale oo hoos taga oo ay horey u maamuli jirtay kooxda Al-Shabaab.
Mudane Maxamed Macallin Axmed oo ah guddoomiyaha degmada Xudur ayaa SomaliSwiss u xaqiijiyay iney ciidamadu si buuxda ula wareegeen degmada Tiyeeglow, isagoo sheegay in howlgalka ka dhanka ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab uu sii socon doono inta laga xorreynayo deegannada ay gobolka Bakool kaga sugan yihiin haraadiga Malleeshiyaadka Xarakada Al- Shabaab..

Sidoo kale Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in wax dagaal ah aanu ka dhicin degmadaas, waxaana la sheegay in ay isaga baxeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaddib markii ay ogaadeen inay ku soo wajahan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya.

Dhinaca kale, odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo shacabka degmada Tiyeeglow ayaa si wada-jir ah ugu soo dhoweeyey degmadaasi ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee gaaray halkaasi.

Sida laga warqabo Degmada Tiyeeglow ayaa waxay ka mid aheyd degmooyinka ay kooxda Al-Shabaab ku cunaqabateyn jirteen raashinka iyo adeegyada aas’aasiga ah ee soo gala degmooyinka Xudur iyo Waajid oo ay ka arrimiso dowladda Federaalka Soomaaliya.

SomaliSwiss      Hudur
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: