Advertisements

Ciidamada Ammaanka oo maanta Howlgallo Ka wada Xaafado Ka tirsan Degmada Heliwaa ee G/Banaadir.

Nabadsugidda.jpg4Ciidamada nabadgelyada dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxay maanta howlgallo balaaran oo lagu xaqiijinayo ammaanka ka wada xaafado ka tirsan degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Howlgalkan oo bilowday Saakay waaberigii hore ayaa ciidamadu isku fidiyeen xaafadaha SOS, suuqa xoolaha ilaa waxaracadde, waxeyna guri guri u baarayaan xaafadaaha, iyagoo xiray dhamaan waddooyinka .

Ujeedada howlgalkani ayaa logu sheegay in Ciidamada ay ku baadi goobaya dhagarqabayaal la rumeysanyahay iney ku dhuumaaleysanayaan xaafadahaasi, iyagoo si gaar ah u bar tilmaameedsanaya baro mucayin ah.

Howlgalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii sarkaal ka tirsan ciidamada amaanka shalay qarax lagula beegsaday agagaarka cisbitalka SOS ee degmadaasi.

SomaliSwiss     Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: