Advertisements

Warmutiyadeed laga soo saaray shirkii madaxda Puntland iyo xildhibaannada federaalka oo maanta soo gaba-gaboobay.

PuntlandWaxaa maanta soo gaba-gaboobay kulan muddo labo maalmood ah xarunta madaxtooyada ee magaalada Garoowe uga soconayey madaxda ugu sarreysa maamulka Puntland iyo xildhibaanno kasoo jeeda deegaanada Puntland oo ka tirsan Baaralmmaanka Soomaaliya.

Kulanka oo muddadii uu socdey ay warbaahintu dibadda ka joogtey, waxaa maanta laga soo saaray warmutiyeed afar qodob ka koobnaa, kaas oo ay si wadajir ah isula saxiixeen Maamulka Puntland iyo xildhibaannada ka tirsan federaalka ee wada-tashiga ugu soo laabtay Puntland.

War-murtiyeedka wuxuu u qornaa sidan:

Warmurtiyadeed

Kaddib markii dhamaadkii bishii hore ee July [30/7/2014] magaalada Muqdisho lagu kala saxiixday heshiis lagu dhisayo maamul-goboleedka Gobollada Dhexe oo ka kooban Gal-guduud iyo Mudug, Puntland waxay shaacisay in gebi ahaanba ay xiriirka u jartay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Maamulka Puntland wuxuu wada-tashi ugu yeeray dhammaan xubnaha ka soo jeeda deegaannada Puntland ee ku jira Dowladda Federaalka, kuwaas oo lagu amray in bishan Agoosto gudaheeda ay magaalada Garoowe isaga soo xaadiriyaan.

SomaliSwiss Garoowe
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: