Ciidamada XDS Oo La Wareegay Deegaano Ka Tirsan G/Hiiraan Kuna Sii Wajahan Jalalaqsi.

Ciidanka hiiraanCiidamada XDS iyo kuwa AMISOM, ayaa sii dar dargeliyay howlgallada maleeshiyaadka Shabaab looga xoreynayo gobolkaasi. Hawlgalada oo ka kala soconayaan Galbeedka iyo Bariga Gobolka Hiiraan, ayaa waxay ay ciidamadu kula wareegeen deegaano ka badan toban, oo ay horey ugu sugnaayeen Shabaabka.

Ciidanka hiiraan.jpg1Gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax oo la socdo Ciidamada ayaa waxa uu dadka kula hadlay deegaanada ay kala wareegeen maleeshiyaaadka Shabaabka.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegaay in hawlgaladu ay si xowli ah uga soconayaan gobolka, isagoo xusay inaan la hakin doonin, ilaa iyo inta malleeshiyaadka Shabaab laga xoreeynayo deegaanada Gobolka Hiiraan oo idil, wuxuuna Gudoomiyaha tilmaamay in qorshahooda uu qayb ka yahay in Degmada Buulo Burde ay ka qaadan go’doominta ay ku hayeen maleeshiyaadka Shabaab.

Dhanka kale Ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM ayaa ku sii wajahan degmada Jalalaqsi oo ah meesha kaliya oo maleeeshiyaadka Shabaab ka joogaan gobolka Hiiraan.

SomaliSwiss     Baladweyne
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: