Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis ababa oo ka furmay shir looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga.

Shirka AddisWaxaa Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis ababa ayaa saakay ka furmay shir looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga iyo arrimaha barakacayaasha ayna ka qeybgalayaan Madax ka socota wadamada Geeska Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Kulanka Shirkan ayaa waxaa Soomaaliya uga qeybgalaya wafdi uu hogaaminayo R/wasaaraha Xuuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheikh Axmed iyo wasiirada Arrimaha gudaha iyo Federaalka mudane Cabdullahi Godax Barre, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo dhiiri galinta Maalgashiga mudane Cabdiraxman Ducaale Bayleh iyo Gudoomiyaha Hay’ada Qaxootiga iyo Barakacayaasha Mudane Axmed-Daahir Cabdikarin Nuur,.

Sidoo kale Shirka saaka furmay waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka socota wadamada gobolka sida Yeman, Jabouti, Ehtiopia, Kenya, Ugandha, Soomaaliya iyo Hay’ado caalami ah, waxaana shirkan goob joog ka ahaa ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicklos Kay

Dhanka kale waxaa shirkan diiradda lagu saarayo xaaladda qaxootiga ku nool wadamada gobolka geeska Afrika, ha yeeshee Dowladda Soomaaliya ayaa siinaysa shirka muhiimad gaar ah, madaama Qaxooti Soomaaliyeed oo tiro badan ay ku sugan yihiin wadamada dariska ah, taas oo culays ku ah gobolka iyo dowlada Soomaaliya

SomaliSwiss     Addis ababa
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: