Advertisements

Dowladda Swiss-ka oo soo saartay Tira-koobka dadka Soo-gelootiga ah…

QaxootiWarbixin ay soo saartay hay’adda qaxootiga ee dalkan Switzerland Bishii Luulyo 2014-ka ayaa lagu sheegay, in Xeryaha diiwaan gelinta ay diiwaan-geliyeen dadka soo gelootiga oo tiradooda ay dhan tahay 2911 Ruux.

Ha yeeshee bishii Juun ayaa ahayd tirada dad soo gelay 2234 Ruux, sida warbixin lagu sheegay dadka ugu tirada badan ayaa waxay ka yimaadeen dalka Eritrea, waxaana loo sababeeyey, in si gaar ah loo qaabilayey, looguna fududeeyey.

Sidoo kale waxaa warbixinta si gaar ah lagu muujiyey in dadka Soo gelootiga ee ka yimid dalka Eritrea ee soo galay Swiiska bishii Luliyo ay tiradoodu ahayd 1480 Ruux.

Dhanka kale dadka ee soo gelootiga ah ee ka soo haajiray wadamada kale ee caalamka ka mid ah ee soo galay bishii Luliyo ee Sanadkan 2014ka ayaa waxaa ka mid ah : Siriya 232 Ruux, Sri-Lanka 141 Ruux, Somalia 107 Ruux, Nigeria 87 Ruux, Afghanistan 61 Ruux, Morocco 56 Ruux.

Si kasta ha ahaatee waxaa warbixinta lagu sheegay in qaar ka mid ah dadka soo gelay ee qaxooti doonka ahaa loo gudbiyey Wadamada Reer Yurub ee ku jira heshiiska Schengen, si loo soo baaro Farahooda, loona helo meelihii ay ka soo galeen Qaaradda Yurub.

Qaxooti.jpg1

SomaliSwiss        Zürich
SomaliSwiss@hotmail.com

 

//

Advertisements
%d bloggers like this: