Advertisements

Wasiirka arrimaha Gudaha oo deeq Raashin ah ka guddoomay safiirka Dowladda imaaraadka carabta ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha GudahaWasiirka arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa deeq Raashin ah ka guddoomay safiirka Dowladda imaaraadka carabta ee u fadhiya Soomaaliya iyo mas,uuliyiinta mu,asasada Khaliifa Binzayid oo raashinkaasi loo soo wakiishay.

Deeq gar-gaarka ah oo isugu jirta noocyada kale duwan ee cunada quutul daruuriga ah ayaa soo dhiibtay Dowladda imaaraadka Carabta, waxaana loogu talo galay dadka ku nool deegaannada abaaruhu ay saameeyeen ee gobolada dalka iyo meelaha argagaxisada Al Shabaab dhawaan laga xoreeyay.

Al-Sayid Maxamed Axmed Al-Cismaan oo ah safiirka imaaraadka carabta ee Soomaaliya ayaa ku wareejiyay deeqdaasi wasiirka arrimaha gudaha C/llaahi Goodax Barre, waxaana uu sheegey in imaaraadka mucaawinadan ay ugu talo galeen in ay ku caawiyaan walaalahooda Soomaaliyeed ee gar gaarka u baahan.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya mudane C/llaahi Goodax Barre ayaa uga mahad naqay walaalaha imaaraadka carabta deeqdan gar gaarka ah iyo sida ay ugarabtaagan yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.

Dowladda Isutaga imaaraadka carabta ayaa kaalin muuqata ka qaadatay u gar gaarida shacabka Soomaaliyeed, waxaana lagu xusuustaa xiliyada ramadaanka, munaasabadaha ciida, iyo waqtiyada xaaladaha bani,aadanimo ay jiraan in shacabka ay gar gaar u fidiyaan

SomaliSwiss     Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: