Advertisements

Wasiiradda Haweenka oo kulan la qaadatay Mas’uuliyiin Ka socotay Amisomkana wada hadleen Xuquuqda Haweenka Soomaaliya.

Wasiirka Haweenka1Wasiirka haweenka iyo Xuquuqul insaanka Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta xafiiskeeda kulan kula qaadatay xubno ka socday xafiiska Amsiom u qaabilsan Haweenka,iyo hay,ada ka shaqeeya xaquuqul insaanka waxayna ka wada hadleen sidii loo dar-dargalin lahaa arrimaha xuquuqul insaanka dalka iyo haweenka in ay ka dhex muuqdaan siyaasadda wadanka, ayna wasaaradda tababaro sare loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha wasaaradda ay u heli lahaayeen dalka iyo dibadda ka wada hadlay.

Wasiiraddu ayaa waxay warbaahinta ugu warbixisay waxyaabah looga hadlay kulanka ay maanta la qaadatay xubnaha ka socda Amisom iyo hay,adaha ka shaqeeya xuquuqul insaanka.

Sidoo kale Mr. Haji Sebya Robi oo ka socda xafiiska Amisom u qaabilsan arrimaha haweenka ayaa sheegay in Amisom ay diyaar u tahay in ay ka shaqeyso arrimaha xuquuqul insaanka waxuuna amaanay howlaha wasaaradda haweenka, iyo xaquul insaanka ay wado.

Mr Haji Sebya Robi wuxuu hadalkiisa ku daray “Gaar ahaan Waxaan halkaan Wasaaradda Haweenka u joognaa sidii aan uga caawin lahayn haweenka iyo arrimaha xuquuqda aadanaha, waxaan leenahay xafiiska arrimaha Gender-Ka, bilo ka hor waxaan nagu so biiray Madaxa xafiiska AMISOM ee u qaabilsan in aan carruurta la askareyn oo nooga timid dalka Marooko, sidoo kale waxaa dhawaan nagu soo biiray saraakiil sare oo dhanka arrimaha xaquuqda aadanaha qaabilsan oo ka yimid dalalka Ruush iyo Sudan”.

Wasiirka haweenka iyo xaquuqul insaanka oo Kulankan la qaadatay xubnahani ayaa waxay imaanaysaa xili wasaarada ay dadaal ugu jirta sidii ay kor ugu qaadi lahayd tayada haweenka Soomaaliyeed si ay uga dhex muuqan lahaayeen siyaasadda dalka.

SomaliSwiss   Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: