Advertisements

Maamulka Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay xarun loogu adeegayo bulshada.

Maxamed Aadan Guuleed Caano Geel aGuddoomiye ku-xigeenka dhinaca Siyaadda ee Maamulka Gobalka Banaaadir oo ay wehliyaan Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Benaadir iyo kan Degmada Shibis ayaa maanta dhagax dhigay xarumo loogu adeego bulshada ku dhaqan degmadaasi oo ay ka midtahay dib u baraalinta dugsiga hoose, dhexe ee degmada Shibis, dhismaha xarunta Hooyada iyo Dhallaanka iyo Waaxda Calasow Dheere oo laga hirgelinayo xarun ay shacabka Degmada Shibis ku kulmaan.

Mashruucan dib loogu dhisayo xarumaha danta guud ee ku bur buray dagaalladii dalka ka dhacay ayaa ka qeyb ka ah Mashruuca dhiso dalkaaga ee uu Dhawaan uu ku baaqey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Mas’uliyiinta uu horkacayay Mudane Maxamed Aadan Guuleed Caano Geel ayaa waxa ay kormeer ku soo kala bixiyeen Waaxyada kala duwan ee degmada Shibis, halkaasi oo laga hirgelinayo xarumo bulshada loogu adeegayo.

Guddoomiyaha degmada Shibis Cabdifataax Nuur Cali oo mas’uuliyiinta Maamulka uga warbixiyay xarumaha dib loo dhisayo, isagoo ka codsaday in gacan lagu siiyo dib u dhiska xarumaha danta guud.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinac Siyaadda ee Maamulka Gobalka Banaaadir Mudane Maxamed Aadan Guuleed oo la hadley Warbaahinta Qaranka ayaa maaamulka Degmada Shibis uga Mahadceliyay dadaallada ay ugu jiraan dib u soo celinta Xarumahii Danta Guud ee ku yaalla Degmada Shibis ee Gobolka Benaadir.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

 

//

Advertisements
%d bloggers like this: