Advertisements

Munaasabad lagu taageerayay Wasiirka amniga Qaranka oo lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

IMG_0272Munaasabad lagu taageerayay Wasiirka amniga Qaranka ee Xukuumadda Soomaaliya iyo howlgallada ay wadaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa lagu qabtay dalka Britain, kaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK ku dhaqan. HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE OO BADAN

Munaasabaddan oo ay ka soo qeybgaleen, masuuliyiin, Haween, dhalinyaro iyo xubno kale ayaa qudbadihii laga jeediyey lagu sheegay sida ah muhiim u tahay in la tageero dowladda Soomaliya, si ay uga miro dhaliso hamigeeda ah in wadanka nabad ku soo dabaasho, iyadoo xubnihii halkaasi ka hadlay ay si wada jir ah u shaaciyeen inay taageersanyihiin qorshaha xasilinta amniga ee ay Waddo dowladda.

Wasiirka Amnigga Qaranka ee Xukuumadda Soomaliya, Mudane Khaliif Ereg oo qadka taleefonka kaga qeybqaatay munaasabadda ayaa isna sheegay muhimadda uu amniga u leeyahay dalka, isagoo u mahadceliyey xubnaha munaasabadda soo qaban-qaabiyey.

tani ayaa qeyb ka ah taageerada loo muujinayo dowladda Soomaaliya ee ku aadan talaabooyinka dhanka Amniga ah ee ay dowladdu qaaday.

 

Advertisements
%d bloggers like this: