Advertisements

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay Doorashadii maamulka Khaatumo ee Madaxweynenimo ee uu ku guuleystay Dr. Cali Khaliif Galeydh.

Faysal-Cali-WaraabeGuddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID, Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay doorashadii maamul goboleedka soomaaliyeed ee Khaatumo oo uu xilka Madaxweynenimo ku guuleystay Dr. Cali Khaliif Galeydh oo dhawaan ka dhacday deegaanka Saax-dheer ee gobolka Sool ayaa sheegay in doorashadaas ay fiican tahay, balse Somaliland aysan doonayn inuu maamul kale ka hoos-dhasho, waa sida uu hadalka udhigay.

Mudane Faysal oo saakay wareysi siinayay VOA-da ayaa uga digay Cali Khaliif inuu colaado ka abuuro deegaannada Somaliland, isagoo shacabka ku nool deegaannadaas ugu baaqay inay nabadda ka shaqeeyaan.

Inj. Waraabe oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “In dad meel isku yimid ay wax doortaan waa mid loo baahan yahay, waana soo dhaweynaynaa doorashada Cali Khaliif, balse ma ahan inuu colaad ka dhex abuuro dad walaalo ah”.

Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID, wuxuu sheegay in Somaliland aysan aqbali doonin in laga dhiso deegaannadeeda maamul kale sida Khaatumo, isagoo xusay in taas ay jawaab ka bixin doonaan.

“Deegaannada looga dhawaaaqay maamulka Khaatumo waxay qayb ka yihiin xuduudaha Somaliland, mana ogolaan doonno in maamulka uu sii shaqeeyo,” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga UCID.

Hoggaamiyahan oo sii hadlayay ayaa sheegay in marka ay timaaddo arrimo Somaliland liddi ku ah ay mucaaradka iyo muxaafadku xaq u leeyihiin inay ka hadlaan, si qadiyada maamulka loo ilaaliyo.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID, Mudane Faysal Cali Waraabe ayaa noqonaya mas’uulkii ugu horreysay ee Somaliland oo si toos ah uga hadla doorashada Cali Khaliif loo doortay madaxweynaha maamulka Khaatumo State.

Sida la wada ogsoon yahay Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu Dr. Cali Khaliif sheegay in Puntland iyo Somaliland ay ciidamadooda kala baxaan deegaannada Khaatumo, haddii kale uu dhici doono dagaal aafo ah oo aan waxba la iskula harin.

Si kasta ha ahaatee waxaa maamulka Khaatumo ayaa dib loo yagleelay, haddana lama oga sida uu xaalku noqon doono xilliyada soo socda, markii uu maamulkaas howlihiisa shaqo si caadi ah uga billaabo deegaannada uu maamulo.

SomaliSwiss Buuhoodle
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: