Advertisements

Guddoomiyaha gobolka Benaadir oo Maanta dhagax dhigay xarun MCH ah, magaalada Muqdisho.

01Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane, Xasan Maxamed Xuseen “Mungaab” ayaa maanta dhagax dhigay MCH cusub oo degmada Cabdiasis laga hirgelinayo, kaasi oo iska kaashanayaan shacabka, maamulka degmada iyo hay’ado maxalli ah, si loogu adeego bulshada degmadaasi ku dhaqan. HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE

Maamulka degmada C/casiis ayaa sheegay in xaruntan uu guddoomiyuhu dhagax dhigay ay tahay sidii adeegyada caafimaadka loogu fududeyn lahaa bulshada degmada ku dhaqan, isagoo shacabka ka codsaday inay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

Mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo goobta ka hadlay ayaa ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay ka qeyb qaataan dib u dhiska xarumaha danta guud ee bulshada loogu adeegayo, waxaana uu intaa ku daray in Maamulada kale ee degmooyinka  gobolka Benaadir inay xoojiyaan dib u dhiska xarumaha shacabka loogu adeegayo, si dib loo soo celiyo adeegyadii bulshada.

“Bulshada ku dhaqan Waaxda Dhagax Buur ee degmada C/casiis waxaan uga mahadcelinayaa in ay sameeyeen Mashruuca dhiso dalkaaga, oo haatan ay ku dhisayaan xarunta hooyada iyo dhallaanka ee degmada” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Advertisements
%d bloggers like this: