Advertisements

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Shaacisay in ay og tahay meelaha Hubka lagu Keydsado ayna Beegsanayaan.

wasiirka Diinta iyo Awqaafta1Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay beegsanayaan bakhaaro iyo garaashyo hubka lagu keydiyo oo ku yaalla Muqdisho, xilli howlgallo hub ka dhigis ah ay ka wadaan Muqdisho ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya.
Wasiirka arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Ridwaan Xirsi Maxamed, ahna Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlayay Muqdisho ayaa sheegay in qorshayaaasha hubka lagu dhisayo lasii ballaarin doono, ayna beegsan doonaan ciidamadu bartilmaameedyo lagu qariyo hubka.

Mudane Ridwaan Xirsi wuxuu yiri: “Ma jirto cid si gaar ah loogu duulayo; waxaa beegsanaynaa meelaha hubka lagu kaydiyo, sida bakhaarada, garaashyo waa hubka wax lagu gumaado weeyaan”.
Wasiir ku-xigeenku wuxuu sheegay in barnaamijkan uu qayb ka yahay xasilinta amniga, isagoo xusay in xukuumaddu ay ku dadaalayso sidii amniga loo xaqiijin lahaa.

Sidoo kale, hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo madaxweynaha Somalia uu shalay ka qaybgalay kulan gaar ah oo golaha wasiirradu ay uga hadlayeen ammaanka iyo warbaahinta madaxa-bannaan, isagoo soo dhaweeyay howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka iyo barnaamijka hub-ka-dhigista.

Dhanka kale bayaankii ay golaha wasiirradu soo saareen shalay ayaa lagu mamnuucay ka ganacsiga iyo hayshada hubka, iyagoo xusay in aan la arki karin qof hub ku dhex-wata gudaha magaalada Muqdisho.

Ugu danbeyntii Wasiirka Diinta iyo Awqaafta wuxuu sheegay inay beegsanayaan bakhaaro iyo garaashyo lagu kaydiyo hubka ayaanu haddana sheegin halka ay ku yaallaan, wuxuuse xusay inay maamlaha soo socda qaadi doonaan howlgallo arrintan la xiriira.

SomaliSwiss    Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

 
Advertisements
%d bloggers like this: