Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta Muqdisho kula Kulmay Ururrada Bulshada Rayidka.

Ra'iisal-waasaraha iyo Bulshada Rayidka.jpg1Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa maanta kulan qado ah la qaatay qaybaha bulshada rayidka ah ee Soomaaliya, isagoo la yeeshay wadatashi ku aaddan qaabka loo wajahayo amniga caasimadda iyo higsiga 2016-ka. Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka socday labada gole ee dowladda Somalia, kuwaasoo qaarkood hadallo ka jeediyay kulankan wada-tashiga ah.

Continue reading

Mr. Nicholas Kay iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo ku wada kulmay magaalada Garoowe.

Nicholas Kay iyo GaasErgeyga Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Dan-jire kay ayaa xarunta madaxtooyada kula kulmay Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cal iGaas oo ay arrimo badan oo muhiim ah isla soo qaadeen.

Continue reading

Guddoomiyaha gobolka Benaadir oo Maanta dhagax dhigay xarun MCH ah, magaalada Muqdisho.

01Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane, Xasan Maxamed Xuseen “Mungaab†ayaa maanta dhagax dhigay MCH cusub oo degmada Cabdiasis laga hirgelinayo, kaasi oo iska kaashanayaan shacabka, maamulka degmada iyo hay’ado maxalli ah, si loogu adeego bulshada degmadaasi ku dhaqan. HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE Continue reading

Munaasabad lagu taageerayay Wasiirka amniga Qaranka oo lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

IMG_0272Munaasabad lagu taageerayay Wasiirka amniga Qaranka ee Xukuumadda Soomaaliya iyo howlgallada ay wadaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa lagu qabtay dalka Britain, kaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK ku dhaqan. HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE OO BADAN Continue reading

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Shaacisay in ay og tahay meelaha Hubka lagu Keydsado ayna Beegsanayaan.

wasiirka Diinta iyo Awqaafta1Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay beegsanayaan bakhaaro iyo garaashyo hubka lagu keydiyo oo ku yaalla Muqdisho, xilli howlgallo hub ka dhigis ah ay ka wadaan Muqdisho ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya. Continue reading

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay Doorashadii maamulka Khaatumo ee Madaxweynenimo ee uu ku guuleystay Dr. Cali Khaliif Galeydh.

Faysal-Cali-WaraabeGuddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID, Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay doorashadii maamul goboleedka soomaaliyeed ee Khaatumo oo uu xilka Madaxweynenimo ku guuleystay Dr. Cali Khaliif Galeydh oo dhawaan ka dhacday deegaanka Saax-dheer ee gobolka Sool ayaa sheegay in doorashadaas ay fiican tahay, balse Somaliland aysan doonayn inuu maamul kale ka hoos-dhasho, waa sida uu hadalka udhigay.
Continue reading

%d bloggers like this: