Ciidamada Xoogga Dalka ee ku sugan Hiiraan oo isku balaarinaya Deegaano hor leh ee Gobolka hoos yimaada.

ciidamada XDSCiidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidamada Midowga Africa ee Amisom ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa isku balaarinaya deegaanno iyo tuulooyin ka tirsan gobolkaasi , iyadoo maleeshiyaadka argagaxisada Al Shabaab firxdadkoodu la sheegay in ay u carareen dhulka howdka ah ee gobolkaasi.

Sida lagu soo warramay Ciidamadan oo ka soo kicitimay magaalada Baladweyne, una jiheystay dhowr jiho oo ka tirsan gobolkaasi, ayaa waxay ujeedadoodu aheyd in laga ciribtiro argagaxisada Al Shabaab, waxaana howlgaladaasi looga saaray maleeshiyaadkaasi deegaanno iyo tuulooyin u dhexeeya Baladweyne iyo bula burde islamarkaana dhinacyada duleedka ka ah.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Ciidamadu ay weli sii ceyrsnaya firxadka Al Qaacidada Soomaaliya ee ku dhuumaaleysanaya howdka dhulkaasi, waxaana la filayaa waqtiyada Soo socda in ciidamada ay la wareegaan deegaanno kale oo hor leh taa oo ka dhigan in ciidamada ay isku baalarinayaan guud ahaan gobolka islamarkaana ay ka dul qaadaan shacabka cadowgaasi.

Si kasta ha ahaatee guud ahaan gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka jira kacdoon shacab oo ujeedadiisuna ay tahay in lala dagaalamo argagaxisada baada xishoodka aan laheyn kula kacaya had iyo jeer shacabka ku dhaqan deegaanadaasi, iyagoona si toos isku bar bar istaagaya ciidamada.

SomaliSwiss        Baladweyne
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: