Gudoomiyaha G/Banaadir oo la hadlay Soomaalida Sweden.

Muungaab.jpg8Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xalay Soomaali aad u farobadan kula hadlay Magaalada Stockholm ee caasimadda dalka Sweden. Soomaalidii uu guddoomiyaha la hadlayay ayaa waxay ka kala yimid dalal badan oo Yurub ah sida dalalka Sweden la deriska ah, UK iyo Netherlands. daawo sawirada kale

Muungaab.jpg6Munaasabadda uu guddoomiyaha kula hadlay Soomaalida oo uu soo qabanqaabiyay Ururka Xaawo Taako waxaa ka hadlay mas’uuliyiin badan oo jeediyay khudbado ay Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ku soo dhaweynayeen isla markaana ay kula dardaarmayeen.

Muungaab.jpg7Mas’uuliyiintii ka hadashay munaasabadda ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Khaliif Maxamed Xaaji, Amiir Aden oo ka tirsan xldhibaannada xisbiga talada dalka Sweden haya, Faadumo Maxamed Nuur oo ka tirsan Xisbiga Dadka ee Sweden, Suldaan Abuukar Socdaal, Xildhibaan hore Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni Boqor), Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden C/Nuur Ciise, C/Casiis Geeddi oo ka socday Ururka Waalidiinta iyo Macallimiinta Soomaaliyeed, Guddomiyaha Ururka Xaawo Taako Marwo Sahra Barqadle, Feysal Nuur Cali oo ah siyaasi ka tirsan degmada Eskilstuna.

Muungaab.jpg9Gabagabadii munaasabadda waxaa khudbad aad u dheer jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), wuxuuna xafladdiisa uga hadlay arrimo dhowr ah oo aan ka soo qaadan karno Ammaanka, Hanti isu celinta, diriseynta, maamul-wanaagga, farqiga u dhaxeeya maamulka gobolka ee hadda jira iyo midkii ka horreeyay iyo ugu dambeyntii nooca maamul ee ay doonayaan in uu maamulkooda bedel marka la gaaro dhammaadka 2015-ka.

Dhinaca ka Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in maamulkiisa uu wax weyn ka qabtay amni darro ka jirtay magaalada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in arrintaas ay suurtageliyeen booliska gobolka, nabad-sugidda gobolka, wasaaradaha amniga ku shaqada leh iyo shacabka Soomaaliyeed oo garab istaagay maamulka gobolka.

Muungaab.jpg10Guddoomiyaha oo ay khudbaddiisa aad u dheereyd ayaa wuxuu ka hadlay isu celinta hantida la kala heysto, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in arrintaas wax badan laga qabtay isla markaana dad badan oo dhulkooda laga heystay loo celiyay.

“Cid kasta oo dhul ka maqan yahay oo dukumiinti u heysata hala soo xiriiraano xafiiskeyga, waxaana u ballanqaadayaa in dhulkooda si deg deg ah loogu soo celiyo”ayuu yiri Guddoomiyaha oo sheegay in ay dhanka kale wax ka qabteen caqabad ka jirtay waddooyinka qaarkood oo dad ay guryo ka dhisteen.

Muungaab.jpg11Mar uu ka hadlayay nooca madaxda maamulkiisa wuxuu sheegay in dhammaantood dadka madaxda ka ah degmooyinka gobolka Banaadir ay yihiin kuwo lagu soo xulay aqoon jaamacadeed iyo karti hoggaamineed, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in ay hoggaamiyayaashaas ay dhammaantood yihiin kuwo aan ka qeybqaadan dagaalladii dalka Soomaaliya ka dhacay nooc kasta oo ay ahaayeen.

Guddoomiye Muungaab ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in ay doonayaan in maamulkiisa uu gobolka Banaadir u diyaarinayo in ay dadka iskood isu doortaan.

“Haddii Guddoomiyayaasha Gobolka Banaadir la soo magacaabi jiray, waxaan dooneynaa in aan sanadka 2015 gaarsiinno in ay dadka u dareeraan doorashooyinka golaha deegaanka, ayna soo doortaan madaxdooda”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Muungaab.jpg12Ugu dambeyntii waxaa uu Guddoomiyaha baaq u diray jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool caalamka, wuxuuna ka codsaday in ay maamulka Gobolka Banaadir garab istaagaan, si gaar ah wuxuu uga codsaday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden ee uu martida u ahaa in ay ka dhabeeyaan ballanqaadyo ay sammeeyeen oo ahaa in ay Gobolka Banaadir la garab taagan yihiin taageero dhinac walbo leh.

SomaliSwiss     Stockholm
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: