Dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidanka dowladda iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo maleeshiyad daacad u ah Axmed Daaci oo ka dhacay degmada Wadajir.

Ciidamada XD somalia Dagaal xoog badan oo u dhexeeya Ciidanka dowladda iyo AMISOM oo isku dhinac ah iyo xoogag daacad u ah Axmed Xasan Caddoow (Axmed Daaci) ayaa saakay ka dhacay degmada Wadajir, dagaalkaas oo ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa10-qof oo shacab iyo ciidamo isugu jiraan, intaas in ka badanna waa ay ku dhaawaceen, dagaalkan culus ayaa socday xalay ilaa saakay ka socday degmada Wadajir.

Axmed X. Cadow Daaci Gudoomiyaha Degmada WadjirSida lagu soo warramay dagaalkan oo billowday gellinkii dambe ee xalay ayaa ilaa hadda ka socda degmada Wadajir, iyadoo ciidamada dowladda iyo AMISOM ay ku siqayaan deegaanno ka tirsan degmada Wadajir oo ay horay ugu sugnaayeen xoogaga taageersan guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir.

Axmed Daaci oo warbaahinta la hadlay intii uu dagaalku socday ayaa wuxuu yiri: “Weerar dulmi ah ayaa la igu soo qaaday, aniguna waan is-difaacayaa, mana ogi sababta la igu soo weeraray”.

Sidoo kale, Axmed Daaci ayaa wuxuu intaas ku daray in weerarka ay kusoo qaadeen ciidan ka tirsan kuwa nabasugidda dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, isagoo xusay in weerarka lagu soo qaaday uu yahay mid qayb ka ah weerarro lagu qaadayay dhawaanahan xildhibaannada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Ciidamada XD somalia.jpg1Dhanka kale, guryaha la weeraray ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay guriga uu Wadajir ka deggen yahay C/llaahi Sheekh Xasan oo guddoomiye ka ah xisbi siyaasadeed, isagoo inta badan dhaliila siyaasadaha dowladda Somalia.

Mudane C/llaahi oo wareysi uu siiyay warbaahinta gudaha ku yiri; “Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa nasoo weeraray xalay gellinkii dambe, mana garanayno sababta nalagu soo weeraray, iyaga ayaana laga doonayaa inay sheegaan sababta ay noosoo weerareen”.

Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan oo sii hadlayay ayaa sheegay in weerarkii xalay ay iska difaaceen, laakiinse saaka lagu soo qaaday weerar ka culus kii xalay dhacay, xaaladduna ay tahay mid dagaal.

Si kastaba xaaladdu ay haatan u muuqato mid deggen ayaa haddana waxaa weli laga maq-layaa xaafadihii lagu dagaalamay ee degmada Wadajir rasaas mararka qaarkood dhacaysa, iyadoo wararkuna ay intaas ku darayaan inay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM galeen guriga Axmed Daaci.

Mid ka mid ah ilaalada Axmed Daaci ayaa sheegay in guriga laga saaray guddoomiyihii hore ee ddegmada Wadajir, uuna sheegay in haddii si nabadgalyo hubka loo wareejin lahaa uu dhiibi lahaa, balse qaab la doonayo uu yahay mid uusan aqbalayn.

Saraakiil u hadlay ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa ku sheegay weerarkan mid qayb ka ah howlgallo hubka looga dhigo waxay ku sheegeen hoggaamiye kooxeedyo hubeysan.

Weerarkii saakay ayaa waxaa dadka ku dhintay ay shan ka mid ah ahaayeen shacab ay rasaastu ugu tagtay guryahooda, iyadoo ay haatan goobihii ay ka dhaceen dagaallada ay gaareen gadiidka gurmadka deg-degga ah oo halkaas ka qaadaya maydadka iyo dhaawacyada shacabka iyo labada dhinac.

Ciidamada XD somalia.jpg2Gaadiid ay leeyihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowaldda Soomaaliya ayay khasaare kasoo gaaray dagaalka, iyadoo aysan jirin weli wax war ah oo ay taliska AMISOM oo dagaalkan ku saabsan.

Iska-horimaadkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ciidanka dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ay toddobaadkii hore hub kasoo qabteen geerash uu lahaa marxuum Cismaan Xasan Cali (Caato) oo degmada Hodan ku yaalla, iyagoo sidoo kale habeenno ka hor uu ciidanka nabad-sugidda dowladda uu si dirqi ah kaga baxsaday Cabdi Nuurre Siyaad oo ka mid ahaa xubnihii isbahaysigii argagaxiso la dirirka.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

 

//

%d bloggers like this: