Afhayeenka AMISOM oo ka warbixiyay howlgal saaka ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

HaamudAfhayeenka AMISOM, Col, Cali Aadan Xumad ayaa ka warbixiyay howlgal ay saaka ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku galeen guriga guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir, Axmed Daaci, kaasoo lagu soo qabtay hub iyo malleeshiyo u dagaalamaysay mas’uulka la weeraray.

Col, Xumad oo u warramayay VOA-da ayaa xusay in howlgalkooda ay kusoo qabteen, sidoo kalena ay kusoo qabteen malleeshiyo dagaal kala hortagtay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee howlgalka fulinayay, isagoo xusay inysan ogolaan doonin cid aan dowladda ka tirsnayn oo hub haysata.

“Mar walba oo aan howlgal sameynayo waxaan muuhimad weyn siinnaa sidii aan u daryeeli lahayn shacabka Soomaaliyeed, howlgallana waxaanu galnay si dhowrsan, balse nasiib-darro markaa goobta gaarnay ciidammo ayaa kala horyimid xabad ciidamadeenna iyo kuwa dowladda, waxayna taasi khasab nooga dhigtay inaan xoog isaga caabinno; halkii aan ku soconayna waxay ku jirtaa gacanta ciidamada AMISOM, guulna waa ka gaarnay,” ayuu yiri Col. Xumad.

Su’aal la weydiiyay oo ahayd khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalka ayuu kaga jawaabay inuu hal askari kaga dhaawacmay, laguna daweynayo isbitaalka AMISOM, wuxuuna xusay inaanay dhimasho kasoo gaarin iska-horimaadkii ay la galeen xoogagga Axmed Daaci.

“Hal askari baa meeshaas nooga cawirmay (dhaawacmay), dhakhtarka ayaa gacanta ku haya, xagga Soomaalida askartii dhibaatadu ka gaartay waxaa loo qaaday isbitaallada, wax gaar oo aan ognahayna ma jirto. Waxaan soo qabannay labaatameeyo maleeshiyooyinkii hubeysnaa ah iyo hub,” ayuu ku daray hadalkiisa afhayeenka AMISOM.

Col. Xumad oo mar la weydiiyay halka uu qabtay Axmed Daaci ayaa sheegay inuu meesha ka tagay intii xabaddu socotay, isagoo xusay in wixii dadaal ah ee dowladda Soomaaliya waddo ay qayb ka yihiin mar walba.

Afhayeenka AMISOM ayaa mar kale la weydiiyay inay hogaamiyeyaasha kala hadleen inay hubka si nabadgalyo ah kusoo dhiibeen iyo in kale, halkii ay ku qaadi lahaayeen weerar ayuu kaga jawabaay.

“Waxaan u maleynayaa in si qarsoon iyo si cad lagu wada hadlay; dowladdu waa dowlad mas’uul ah, xeerka ilaalinaysa shacabkeedana daryeeleysa. Howlgalkeennuna waa inaan dowladda ka taageerno wixii ay nooga baahato.

Raggaas si sare iyo hoosba waa loola hadlay, howlgalkanna wuu soconayaa inta ammaanka Muqdisho la hagaajinayo si ay shacabku nabadgalyo buuxda u helaan, loona tir-tiri lahaa kuwa nabad-diidka ah ee Soomaalida qal-qalka iyo wal-bahaarka ku haya, qorshuhuna waa in nin aan dowladda Somalia ka socon aanu hub haysan, taas waa mid hubaal; waxaana baaq u jeedineynaa dhammaan xubnahaas in dowladnimada la aamino… dowladda xeerkeedana lagu socdo.”

Dhinaca kale, saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay Axmed Daaci kasoo wadeen xaafad ka tirsan Dharkeeynleey oo jaar la ah degmada Wadajir ayna wadaan dadaallo ay ku doonayaan inay xiisadda ku qaboojiyaan.

Warar aanau HOL xaqiijin ayaa sheegaya in guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir, Axmed Xasan Caddoow (Daaci) oo saaka gurigiisa la weeraray uu haatan ku sugan yahay xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

SomaliSwiss  Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: