Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo sheegay in Siyaasadda Wasaaraddiisu ay tahay dhismaha Ciidan Qaran oo laga soo xulay Gobollada Dalka oo idil.

Wasiirka Gaashaandhigga.jpg4Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in horumarka dalka uu saldhig u yahay dhismaha ciidanka XDS, kaas oo leh awood ku fulin oo uu ku ilaaliyo xuduudaha dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Gen, Maxamed Sheekh Cismaan oo ka mid ah xubnaha wafdiga Madaxweynaha ee ku sugan dalka Mareykanka ayaa wuxuu wareysi siiyay Idaacadda BBC-da, wuxuuna sheegay in wasaaraddu qorsheyneyso dhismaha ciidan qaran oo laga soo xulay Gobollada dalka oo idil oo leh tababar iyo farsamo casri ah, islamarkaana ku filan ilaalinta xuduudaha dalkeena, ee dhinacyada Badda, Berriga iyo Cirkaba.

Wasiirka Gaashaandhigga Gen. Maxamed Sheekh oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri : “Siyaasadda wasaaradda Gaashaandhigga waa dhismaha ciidan laga soo qoray gobollada dalka oo dhan, kaas oo leh awood oo ku ilaaliyo xuduudaha dalkeena, horumarka dalkuna waxa uu ku xiranyahay dib u dhiska ciidanka XDS”.

Si kastaba ha ahaatee hadalka wasiirka Gaashaandhigga ayaa ku soo beegmaya xilli wasaaraddu ay isu diyaarineyso howlgallada wajigii ugu dambeeyay ee dalka looga xoreeynayo malleeshiyaadka Shabaab.

Isha Warka : BBC London
SomaliSwiss@hotmail.com

 

//

%d bloggers like this: