Advertisements

Gudoomiyaha gobalka Banaadir oo si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Stockholm ee caasimadda Dalka Swedan.

Muungaab SwedenGuddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Stockholm ee caasimadda Dalka Sweden.

Muungaab Sweden.jpg1Duqa magaalada Muqdisho ayaa markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Arlanda ee magaalada Stockholm wuxuu halkaas kula kulmay dad badan oo garoonka u tegay in ay soo dhaweeyaan, wuxuuna u mahadceliyay dadkii soo dhaweeyay.

Mudane Muungaab ayaa waxay booqashadiisa dalka Sweden ka dambeysay ka dib markuu casuumaad ka helay maamulka Magaalada Stockholm, iyadoo uu isku xirka labada dhinac uu ka shaqeeyay Ururka Xaawo Taako oo ay Guddoomiyaha ka tahay marwo Sahro Barqadle.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo wafdigiisa ayaa waxay la kulmi doonaan Duqa Magaalada Stockholm mr. Sten Nordin oo ay ka wada hadli doonaan Xiriirka labada dal, gaar ahaan labada magaalo ee Muqdisho iyo Stockholm. waxa uuna sidoo kale la kulmi doonaa baarlamaanka wadanka Swedan Sidoo kalena, wuxuu la hadli doonaa Soomaalida ku dhaqan dalka Sweden oo uu kulan weyn kala qeybgeli doono.

Duqa magaalada Muqdisho markii ay u dhammaato booqashada Sweden ayaa lagu wadaa inuu booqdo dalal kale oo Reer Yurub ah, kuwaasi oo la sheegay inuu ka helay casuumaad tan la mid ah.

SomaliSwiss     Stockholm
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: