Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay la hadlay kumannaan ka mid ah Soomaalida ku dhaqan gobolka Minneapolis ee Minnesota.

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay la hadlay kumannaan ka mid ah Soomaalida ku nool gobolka Minnesota, kaddib booqasho laba malmood ah oo uu ku yimid magaalada Minneapolis. HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE

Madaxweynaha ayaa sheegay in sababaha uu u yimid magaaladda Minneapolis ay tahay inuu jaaliyadda uga war bixiyo xaaladda uu dalku marayo, iyagana ka dhageysto wixii talo iyo tusaale ah.

“Somalia horay ayay u socotaa, lama joogo meeshii shalay, waxaanse leenahay hal cadow oo la yiraahdo Al-shabaab, iyaguna ciidan ahaan waa wiiqmeen, waxay awoodoodii ku soo ekaatay qarax iyo tooshado, insha’allaah iyagana waan ka adkaan donnaa, kuwa Soomaalida ah ee Alshabaab ku jira waxaa ku xiran hal shuruud oo ah (ku dhawaaqa inaad fowdada iyo qalalaasha joojiseen) waayo waa Soomaali oo dalka ayay wax ku leeyihiin, kuwa Ajinabiga ahna waxaa ku filan naga taga” ayuu si qiiro leh u yiri madaxweyne Xasan SHeekh Maxamuud.

Jaaliyadda Minneapolis.jpg4“Ilaa maalintii la i doortay waxaan ka bad-baaday ugu yaraan 10 isku dil oo ALshabaab soo abuuleen, waayo waad ogtihiin inaysan cafineyn oday, wiil, madax, gabar iyo qof kasta oo fikirkooda ka hoor jeessta” ayuu sii raaciyay madaxweynuhu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay inay jirto rajo xoog leh oo laga qabo in doorasho ay ka dhacdo dhulka Soomaaliya.

Jaaliyadda Minneapolis.jpg2

“Waxaan shaqada imid, iyadoo maamulkii KMG ee naga horeeyay uu runtii wax badan qabtay, inaguna waxaan dooneynaa inaan wadanka ka gudbinno marxaladda uu hada ku jiro, una gudubno in dadku ay awoodda yeeshaan, soona doortaa ciddii matali laheyd, ma dooneyno in Garaad ama Oday dhaqameed dambe uu madax noo soo xulo, waxaan hadda ku howlannaya in 2016 dabayaaqadeed ay doorasho dhacdo, waana nidaamka dimoqraadiyada ee dhismaha xisbiyada, dhameystirka dastuurka iyo hirgalinta Federalka” ayuu xusan madaxweynuhu.

Jaaliyadda Minneapolis.jpg6Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda Mareykanka ku waaniyay inay ka waantoobaan qabyaaladda, wuxuuse uga mahadcelinayay kartida iyo awoodaha ay leeyihiin.

“25 sano oo dhibaato iyo qabyaalad ah waa nagu filan tahay, aan hore u soconno oo aan nabadda ka wada shaqeyno iskana hilmaanno caddiifada qabaliga ah” ayuu yiri Xasan Sheekh

Jaaliyadda Minneapolis.jpg7

Xafladdan soo dhaweynta Madaxweynaha oo ay soo qaban qabiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka oo ay horkacayeen Xaashi Shaafi, C/kariin Axmed Daahir, Maxamed Axmed Deeqoow iyo C/raxmaan Beene-beene waxaa sidoo kale ka hadlay safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya ee dalka mareykanka Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo xubo ka socday dowladda Mareykan oo ay ka mid ahaayeen Congressman Keith Ellison iyo Governor Mark Dayton.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda ka codsaday inay qeyb ka noqdaan horumarka dalka.

“Waxaa socda qaban-qabadda dhismaha waddooyinka, schoolka iyo Jaamacadaha dalka, gaar ahaan laba todobaad ka hor waxaa la furay jaamacaddii Ummaadda” ayuu soo koobay maxaweynuhu.

Jaaliyadda Luzern.jpg1.jpg3SomaliSwiss      Minneapolis
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: