In kabadan 120 Kalluumeysato oo loo qabanayo tababaro ku aadan sare u qaadidda xirfadooda.

wasiirka kaluumeysigaWasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Soomaaliya Mudane Maxamud Coloow Barrow oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Wasaaraddu diyaarisay 120 qof oo loo tababari doono bishan gudaheeda habka loo wado doonyaha, si ay meesha uga baxdo aqoon darida iyo dhibaatooyinka ku yimaada qaar ka mid ah kalluumeysatada, isagoo intaa ku daray inay dib u dhis ku sameeyeen xaruntii hore ee Wasaaradda. (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Soomaaliya Mudane Maxamud Coloow Barrow oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Wasaaraddu diyaarisay 120 qof oo loo tababari doono bishan gudaheeda habka loo wado doonyaha, si ay meesha uga baxdo aqoon darida iyo dhibaatooyinka ku yimaada qaar ka mid ah kalluumeysatada, isagoo intaa ku daray inay dib u dhis ku sameeyeen xaruntii hore ee Wasaaradda.

Wasiirk ayaa xusay in tababaro ku aadan habka loo sameeyo qalabyada ay edeegsadaan kalluumeystada u qabanayaan qaar ka mid ah Hooyooyinka iyo Gabdhaha Soomaaliyeed si ay u helaan xirfad ay ku shaqeystaan, islamarkaana ay uga qeyb qaataan sare u qaadidda kalluumeysiga dalka.

Wasaaradda kakluumeysiga iyo kheyraadka badda ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u horumarin laheyd howlaha kala duwan ee loo igmaday.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: