Ciidamada Nabadsugidda dalka oo kordhiyay howlgallada Qorsheysan ee ka dhanka ah Al-shabaab

Ciidanka NabadsugiddaCiidamada Hay’adda Nabadsugida Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho, ku dhex ugaarsanaya dhagar qabayaasha ka tirsan Al Shabaab ee dhibaatada ku hayay shacabka.

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa si gaadmo ah Magaalada Muqdisho ugu dila shaqaalaha dowladda, kuwa Hay’adaha, ciidamada, aqoon yahanada iyo waxgaradka kala duwan.

Ciidamada Nabadsugidda Dowladda oo wata gaadiid yar yar ayaa xaafadaha Muqdisho ka wada, howlgallo qorsheysan oo lagu bartilmaameedsanayo malleeshiyaadka Shabaab, waxaana howlgaladaasi ay yihiin kuwa ay kaga horeyso xog la xiriirta halka bartilmaameedka uu yahay.

Dorraat ayaa ciidamo ka tirsan Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya waxa ay Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa ku dileen labo dhagar qabe oo ka tirsanaa Alshabaab, kuwaasi oo ay toogteen ciidamada.

Labada dhagar qabe oo ay ciidamadu dileen ayaa mid ka mid ah, waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Yaxye, wuxuu ka tirsanaa maleeshiyaadka Shabaab qeybta bamboo tuurka, da’diisa waxa ay aheyd 17-sano jir, wuxuuna deganaa Xaafada Suuqa Xoolaha, xilliga ciidamada ay qabanayeen wuxuu ciyaarayay kubad.

Sidoo kale ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ayaa shalay galabtii Magaalada Muqdisho ku toogtay nin magaciisa lagu sheegay Nuur Baraxoow oo Al Shabaab u qaabilsanaa dhanka macluumaad gudbinta, waxaana la soo bandhigay Video laga soo duubay ninkaasi, isaga oo qeybta sare ee jirkiisa ay kaga taalo rasaas ay ciidamada Nabadsugida ku rideen, xilli uu dagaalamayay.

Dhagar qabe Nuur Baraxoow waxaa lagu toogtay Xaafada SOS ee Degmada Heliwaa, waxaana taasi ay muujinaysa in maleeshiyaadka ugu badan ee Al Shabaab ay ku sugan yihiin Degmada Heliwaa, gaar ahaan Xaafadaha SOS iyo Suuqa Xoolaha.

Qorshahan ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ay bilaabeen ayaa ah mid la mid ah sida ay Shabaab dilalka uga geystaan Magaalada Muqdisho, waxaa hada yaraaday dilalkii Kooxda ay ka geysan jirtay Muqdisho, maadaama hadda iyaga la bartilaameedsanayo.Ciidamada

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: