Advertisements

DAAWO XAFLADII SOO DHOWEYNTA EE MADAXWEYNAHA AY REER MINNESOTA U SAMEEYEEN.

Advertisements

In kabadan 120 Kalluumeysato oo loo qabanayo tababaro ku aadan sare u qaadidda xirfadooda.

wasiirka kaluumeysigaWasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Soomaaliya Mudane Maxamud Coloow Barrow oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Wasaaraddu diyaarisay 120 qof oo loo tababari doono bishan gudaheeda habka loo wado doonyaha, si ay meesha uga baxdo aqoon darida iyo dhibaatooyinka ku yimaada qaar ka mid ah kalluumeysatada, isagoo intaa ku daray inay dib u dhis ku sameeyeen xaruntii hore ee Wasaaradda. (VIDEO)

Continue reading

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay la hadlay kumannaan ka mid ah Soomaalida ku dhaqan gobolka Minneapolis ee Minnesota.

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay la hadlay kumannaan ka mid ah Soomaalida ku nool gobolka Minnesota, kaddib booqasho laba malmood ah oo uu ku yimid magaalada Minneapolis. HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE
Continue reading

Seminaar la xiriira Is-dhexgalka (Integration) iyo wada noolaanshaha Bulshooyinka oo shalay Jaaliyadda Soomaalida uga furmay magaalada Zürich ee Switzerland.

Seminaar.docx3Guddiga Fulinta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kanton Zürich ayaa waxay xoogga saartay inay ka caawiso dadka Soomaalida u soo qaxday dalkan Switzerland, gaar ahaan Gobolkan Zürich sidii kor loogu qaadi lahaa aqoontooda la xiriira Xagga Is-dhexgalka ( Integration ), kaas oo ka caawinaya sidii ay u dhex-geli lahaayeen dadka ay ula noolaan lahaayeen bulshada ay ugu yimaadeen magaalooyinka ay deggan yihiin. HOOS KA DAAWO  SAWIRO KALE
Continue reading

Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed oo fariin ku aaddan abaaraha ku dhufatay qaybo ka mid ah dalka u diray bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda SoomaaliyaRa’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa fariin ku aaddan abaaraha iyo biyo la’aanta ku dhufatay qaybo ka mid ah dalka u diray bulshada Soomaaliyeed ee wax haysata gaar ahaan qurbe-joogta iyo ganacsatada.
Continue reading

Ciidamada Nabadsugidda dalka oo kordhiyay howlgallada Qorsheysan ee ka dhanka ah Al-shabaab

Ciidanka NabadsugiddaCiidamada Hay’adda Nabadsugida Qaranka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho, ku dhex ugaarsanaya dhagar qabayaasha ka tirsan Al Shabaab ee dhibaatada ku hayay shacabka.
Continue reading

%d bloggers like this: