Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyey in Soomaaliya wax badan ka faa’iidday Shirkii Mareykanka iyo Madaxda Afrika ee Washinton.

xasan sheikhMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay wareysi gaar gaar ah u siiyay Idaacadda BBCda iyo Radio Bar-kulan ayaa sheegay in Soomaaliya ay wax badan ka faa’idday shirka madaxda Afrika iyo Mareykanka ee shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka.

Shirka Wshinton Xassan Sheekh

Madaxweynuhu wareysi uu siiyay Idaacadda BBC-da wuxuu ku sheegay inay shirkaas la tageen ajandayaal kala duwan ayna dhammaatood ku guuleysteen inay u fulaan sidii ay ugu talo-galeen.

Madaxweynaha Mareykanka Brack Obama ayaa Shirkan martigaliyey waxaa ka soo qeyb galay ku dhawaad 50 hoggaamiye Afrikaan ah, waxaana loogu talo galay in lagu kordhiyo xiriirka u dhexeeya Afrika iyo Mareykanka, islamarkaana diiradda lagu saaro ganacsiga, dhaqaalaha, ammaanka iyo horumarinta dimuqraadiyadda qaaradda Afrika.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in ilaa shan wasiir oo ka tirsan xukuumaddiisa ay ku wehliyeen shirka, ayna kulamo la qaateen dhiggooda dalka Mareykanka, sidoo kalena wasiirka maaliyadda uu kulamo la qaatay masuuliyiin ka tirsan bankiga adduunka, iyagoo kawada hadlay horumarinta iyo taageeridda Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Mareykanka ay isla garteen sidii loo sii xoojin lahaa tageerada iyo tayeynta ciidanka dalka, isagoo xusay in Mareykanku uu tababar iyo qalabeyn u sameeyay ciidanka xoogga dalka.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan sheekh wuxuu xusay inuu la kulmi doono jaaliyadda Soomaalida ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, halkaasoo uu ugu warbixin doono xaaladda dalka, kuna dhageysan doono fikradahooda ku aaddan nabadeynta iyo horumarka dalka.

Balse Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay mar uu ka hadlayay arrimaha badda Soomaaliya inay jiraan sharciyo caalami ah oo ku saabsan badaha, ayna jirin cid ku xadgudbi karta xuduudaha badda Soomaaliya, dowladdiisuna ay ka hadashay xadka badda Soomaaliya, dhawaanna lasoo bandhigi doono.

SomaliSwiss      Washinton
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: