Advertisements

Horjoogihii AlShabaab u qaabilsanaa dilalka wariyeyaasha Xasan Xanafi oo gacanta lagu dhigay.

xanafiCiidamada Nabad sugidda Qaranka ee Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Xasan Xanafi Xaaji oo ahaa horjoogaha Al-Shabaab u qaabilsanaa dabagalka iyo dilalka Wariyeyaasha ay kooxda Al-Shabaab ku leysay magaalada Muqdisho iyo Qaar ka mid ah Gobolada dalka.

Xasan Xanafi ayaa soo qabashadiisa waxaa iska kaashaday Sirdoonka Soomaaliya iyo sirdoonka Kenya, iyadoo macluumaadka lagu soo qabtay ay bixiyeen ciidamada sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka Soomaaliya, taasi oo keentay in saddexdii bishaan laga soo qabto meel u dhaw Masjidka Al-Hidaaya ee magaalada Nairobi, halkaasi oo uu ku dhuumaaleysanayay.

 Horjoogahan shabaabka u qaabilsanaa dilalka iyo dabagalka wariyeyaasha ayaa waxa uu dilay Allaha u naxariistee Wariyeyaal dhowr ah oo ay ka midyihiin Mahad Axmed Cilmi, Cali Imaan Sharma’arke,

Saciid Tahliil oo ka wada tirsanaa Idaacadii Horn Afrik, halka wariyihii ugu horeeyay ee ay Shabaabku ka dilaan Warbaahinta Qaranka uu ahaa Alle u naxariistee Sheekh Nuur Abkey, isagoo sidoo kale ka qeyb qaatay dilal loo geystay suxufiyiin dhowr ah oo ka howlgalayay Warbaahinta Qaranka iyo kuwa madaxa banaan ee sida gaarka ah loo leeyahay.

Howlgalka lagu soo qabtay ee ay iska kaashadeen cidamada Nabadsugidda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayaa sidoo kale wax ay ku guuleysteen in Xasan Xanafi lala soo qabto saddex kale oo shabaabka ka tirsan, waxaana la filayaa in lagu soo wareejiyo gacanta dowladda, si cadaaladda loo horgeeyo.

Advertisements
%d bloggers like this: