Advertisements

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay isku diyaarinaysa dagaal ka dhan ah Al-shabaab.

Madaxweyne Hassan Sh MohamudMadaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaalyia ayaa sheegay in la diyaariyey dagaal ka dhan Al-shabaab, si loogu saaro deegaannada ay kaga sugan tahay gobollada Soomaaliya, dagaalkaas oo billaabmi doono maalmaha soo soscda.

Madaxweynuhu oo wareysi siiyay wakaaladda wararka ee Reuters isagoo ku sugan magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayuu ku sheegay in dowladdiisu ay qaadayso guluf colaadeed oo ka dhan ah A-shabaab.

“Qorshaheennu waa inaan billowno maalmaha soo socda colaad ka dhan ah Al-shabaa,” ayuu yiri madaxweynaha oo intaas ku daray. “Waxaan rajeynaa in howlgalladaas ay noqon doonaan kuwo aan ku guuleysanno.”

Al-shabaab ayaa ka talisa deegaanno badan oo Soomaaliya ka mid ah, iyadoo tan iyo markii laga saaray Muqdisho sannadkii 2011 ka geysanaysay caasimadda Soomaaliya iyo gobollada kale ee ay gacanta ku hayso dowladda dilal qorsheysan iyo qaraxyo.

Madaxweynaha oo ka hadlayay falalka ay Al-shabaab ka geysato Muqdisho ayaa ku macneeyay kuwo ay ku dilaan dadka rayidka ah iyo xidhibaannada baarlamaanka, isagoo xusay in kooxo yar ay falalkaas geystaan.

“Falalkaas waxay muujinayaan daciifnimadooda,” ayuu mar kale yiri madaxweynaha oo intaas raaciyay. “Juquraafi ahaan goobaha ay ka taliso Al-shabaab aad ayay u yaraadeen, taasoo ku qasabtay inay bedelaan qorshahoodii dagaal.”

Sidoo kale, mar wax laga weydiiyay cabsida uu ka qabo inay kooxda Al-shabaab disho, maadaama ay dhowr jeer weerarro kusoo qaadeen xarunta madaxtooyada ayuu xusay inuu kalsooni ku qabo inaysan dili karin.

Madaxweynuhu oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Al-shabaab way isku dayeen inay aniga iyo madaxda sare ee dalka dilaan, balse taas kuma guuleysan, waxaana filayaa inaysan ku guuleysan doonin xilliyada soo socda” .

Mar la weydiiyay rajadooda ku aaddan shirka Afrika iyo Mareykanka ee Washington ka socda ayuu xusay inay faa’iido badan ka heli doonaan Soomaaliya ahaan. Wuxuuna xusay inay la kulmi doonaan madaxda Mareykanka qaarkood.

“Xiriirka nagala dhexeeya Mareykanka waa mid aad u wanaagsan,” ayuu madaxweynuhu yiri, wuxuuna ku daray. “Waxaana madaxda dalkan kala hadli doonnaa adkeynta xiriirka noo dhexeeya.”

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu ka mid yahay in ka badan 50 madaxweyne oo Afrikaan ah oo ka qaybgalaya shirka Mareykanka iyo Afrika oo ah kii ugu horreeyay oo dhexmara Mareykanka iyo Afrika.

SomaliSwiss Washinton
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: