Advertisements

Wasiirka Beeraha Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay inay Gargaarayso dadka ay Abaaruhu Saameeyeen

Wasiirka Beeraha.JPG3Mudane Cabdi Axmed Baafo ayaa sheegay in xukuumaddu ay toddobaadka soo socda billaabi doonto inay gargaar gaarsiiso gobollada ay abaaruhu saameynta xooggan ku yeesheen.

Wasiirka Beeraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Baafo oo ah guddoomiyaha guddi ay xukuumadda Soomaaliya u saartay inay ka shaqeeyaan sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ku nool deegaannada ay ka jiraan abaaraha iyo biyo la’aanta ba’an.

“Waxaan toddobaadka soo socda doonaynaa inaan billowno gargaar u badan biyo dhaamin, si aan u caawinno dadka ku nool deegaannada ay sid xooggan uga jiraan sida Gedo, Bay iyo Bakool,” ayuu yiri wasiirka oo wareysi siinayay VOA-da laanteedka afka Soomaaliga.

Sidoo kale, waisirku wuxuu ugu baaqay dadka hantida haysta inay gacan ka geystaan sidii dadka abaaruhu ku dhufteen loo gaarsiin lahaa gargaarro kala duwan, isgaoo xusay in goobaha ay gargaarka gaarsiinayaan ay yihiin kuwa ay hadda xukuumaddu gacanta ku hayso.

“Waxaa socda wadahadal xoog leh oo u dhexeeya AMISOM iy dowladda oo lagu doonayo in goobaha ay weli gacanta ku hayso Al-shabaab laga saaro si gargaarka bani’aadamnimo loo gaarsiiyo,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Xukuumadda mar kale shalay ku celisay inay gobollada Bay, Bakool iyo Gedo ay yihiin kuwa ugu badan ee dhibaatada abaareed ay ku yeelatay saameynta ugu xooggan, ayna qorsheynayaan inay gargaar gaarsiiyaan.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo xukuumaddu ay horay u shaacisay inay gobollo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay ka jiraan abaaro xooggan oo dhibaatooyin u geystay dadka iyo duunyada ku nool gobolladaas.

Dhanka kale, wasiirka beeraha Soomaaliya ma sheegin in gargaarka ay ugu talo-galeen dadka ku nool deegaannada ay abaaruhu ku dhufteen niay cuno ku jirto iyo in kale.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa sheegay inay howshooda gargaar bixinta ah ku billaabi doonaan 50,000 oo doollar oo ay horay xukuumaddu ugu deeqday in lagu gargaaro dadka ku nool gobollada ay abaaruhu ka jiraan, wuxuuna ugu baaqay hay’adaha gargaarka iyo hantiilayaasha inay howshan dhaqaale ku bixiyaan.

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: