Advertisements

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay hindise oo ujeedadiisu tahay Maalgalinta iyo Awoodsiinta Dhallinyarada.

Madaxweyne xasan-sheekh WashintonMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga iyo Wafdigii uu hoggaaminayey oo ku sugan magaalada Wawshington DC ee ay uga qeyb-galayaan Shir-Madaxeedka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Madaxda Africa, ayaa wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku dhawaaqay dhowr hindise oo ujeedadoodu tahay awoodsiinta dhallinyarada.

Madaxweyne xasan-sheekh Washinton.jpg1Sida uu sheegay Madaxweynuhu in Soomaaliya ay ka mid tahay haatan wadamada ugu dhallinyarada badan dunida, waxaa horyaallo arrimo adag oo ay ka mid yihiin gaarsiinta waxbarashada, abuurid fursado shaqo, yareynta soo jiidashada xagjirnimada iyo kordhinta ka qeyb-galka ay dhallinyardu ka qeyb-galeyso dhammaan howlaha bulsho ee ay xukuumaddu waddo.

“Dhallinyarada Soomaaliya waa mustaqbalka bulshada Soomaaliyeed, waxay u baahan yihiin oo ay mudan yihiin inay la jaan qaadaan dhallinyarada kale ee dunida, balse baahida hadda jirtaa waa nabad la’aanta ka jirta dalka, ha yeeshee haddii nabaddaas la helo waxay dhllinyardu ay qaban karaan shaqooyin badan oo macne leh oo ay ka heli karaan dakhli ay ku maareeyaan noloshooda, hase ahaatee waa inay haataan ay iswaafajiyaan hankooda iyo fursadahooda, in ay si buuxda oo firfircoon uga qeyb-galaan qorsheynta iyo fulinta hindisyada Soomaaliya lagu wanaajinayo” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynuhu.wuxuu intaas uu raaciyey ee uu yiri: “Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed waxaay da’ yarta u abuuri doontaa fursado ay kaga maarmi doonaan ka qeyb-qaadashada dagaalka iyo cunfiga. Waxa aan ku han-weynahay in aan shaaca ka rogo dhowr hindise oo aan dooneyno in aan si deg deg ah u fulinno”

Madaxweyne xasan-sheekh Washinton.jpg2Madaxweynuhu wuxuu kaloo xusay in xukuumadda Soomaaliya ay da’ yarta u abuuri doontaa fursado ay kaga maarmi doonaan dagaalka iyo cunfiga. Waxaana ku han-weynahay inaan sameyno dhowr hindise oo aan doonayno inaan si deg-deg ah u fulinno, Waxaa hindisayaashaas ka mid ah:

1. Sameynta qaab lagu awood siinayo dhallinyarada Soomaaliyeed oo ay la socdaan shuruucdii iyo siyaasaaddii hagi lahayd.
2. Dejinta barnaamij shaqo abuuris iyo hal-abuurka dhallinyarada
3. Sameynta habka darajeynta Jaamacadaha
4. Xoojinta wakiillada dhallinyarada ee howlaha bulshada, siyaasadda iyo kuwa dowladeed ee heerarka deegaan iyo heer gobol
5. Magacaabidda labo la-taliye oo dhallinyaro ah oo ka howlgalaya xafiiska madaxweynaha
6. Hoos-u-dhigga da’da xadka qofka xafiis siyaasadeed loo dooranayo lagana dhigo 18-sano
7. Isla meel-dhigidda beertii Qaran ee ugu horreysay ee Soomaaliya oo ah hindise dhallinyarada haga, si loo ilaaliyo mustaqbalka deegaanka dalka, si mustaqbalkana loo abuuro fursado dalxiis.
8. Shaqo abuurka kalluumeysiga iyo maamulka habka nolosha badda oo loo sameynayo dhallinyarada bulshooyinka xeebaha deggan oo horey ugu tiirsanaa nolol kasoo gasha burcad-badeednimada.
9. Taageeridda dhisidda guddiga filimada Soomaaliyeed
10. Sare-u-qaadidda fursadaha lagu gaarayo adeegsiga internet-ka ee fibre optics iyo kan mobiilka ee 3G ee Soomaaliya.

Shir-Madaxeedka US-Africa (4-6 August 2014) ee uu marti galiyey Madaxweyne Obama, waa dhacdadii ugu ballaarneyd ee uu Madaxweyne Mareykan ah weligii u qabto madaxda Afrika. Ujeedkiisuna waa xoojinta xiriirka u dhaxeeya Afrika iyo mareykanka. Shir-Madaxeedku waxa uu diiradda saarayaa ganacsiga, maalgashiga, nabadgalyada iyo hurumarka dimoqraadiyeed..

Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa ku soo gebagabeeyey ee uu yiri: “Mareykanku waxa uu ka mid yahay saaxiibada ugu muhiimsan ee horumarka Soomaaliya. Shir-Madaxeedkan ee uu hal-heyskiisu yahay “ Maalgalinta Jiilka Soo Socda” waxa uu ka turjumayaa nuxurka shaqada iyo masuuliyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed Dhowrka maalmood ee la soo socda.

Wafdiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed waxa ay munaaqashood la yeelan doontaa Saaxiibadooda Mareykanka si ay isula arkaan hababka lagu dararin karo maalgashiga iyo kobaca Soomaaliya si loo furfuro fursadaha, si wanaagsanna la isugu xiro Soomaaliya iyo Mareykanka iyada oo la abuurayo bey’ad wax-tar u leh jiilka Soomaaliyeed ee soo socda“.

SomaliSwiss     Washinton
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: