Advertisements

Dumar ka shaqeynayey Nadaafadda Caasimadda oo maanta ku geeriyooday Qarax loogu aasay qashinkii ay gurayeen

NadaafadSadex haween ah ayaa ku geeriyootay Sideed kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii haween ka shaqeeynayay Nadaafadda ay ku qaraxday miiino loo dhex geliyay qashinkii ay ka gurayeen agagaarka carwadii hore ee degmada Hodan G/Banaadir.

Mudane Cali Maxamuud Faarax “Cali Seeko oo ”Afhayeenka maamulka G/Banaadir ayaa Warbaahinta u sheegay in kooxaha dhagar qabayaasha Shabaab ay haween Soomaaliyeed oo ka shaqeynayay nadaafadda deegaankooda ay miino ugu qariyeen qashin ay gurayeen, kadibna ay ku qaraxday wuxuuna xaqiijiyay in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen Sadex haween ah, halka uu xusay in Sideed kale oo haween ah ay ku dhaawacmeen masiibadaasi.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa tilmaamay in dhaawaca sideeda haweenka ah la geeyay cisbitaalka Banaadir kuwaas oo sida uu sheegay ay ku jiraan kuwo xaaladoodu liidato.
Sida la sheegay nooca qaraxaan ayaa ahaa miinada dhulka lagu aaso, waxaana ay qaraxday, xilli haweenkaan ay nadiifinayeen goobta ay ku aasneyd, balse kama aysan war hayn in goobta ay miino ku aasneyd.

Balse ma aha markii ugu horeeysay ee argagixisada Shabaab ay miino u aasaan hooyooyin Soomaaliyeed oo ka shaqeynaya nadaafada deegaankooda, waxaa xusid mudan oon marnaba xusuusta muwaadiniinta Soomaaliyeed ka tirmeyn dhacdadii tan oo kale aheyd oo lagu laayay hooyooyin Soomaaliyeed oo olole nadaafadeed ka waday wadada maka Almukarama ee magaalada Muqdisho .

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: