Ururka Iskaashatooyinka Soomaaliyeed ee UDHIS oo gacan ka geysatay dib-u-dhiska Xarunta “UFFICIO GOVERNO”

Ufficio Governo.jpg1Ururka Iskaashatooyinka Soomaaliyeed ee UDHIS ayaa maanta agab dhismo gaarsiiyay xarunta dowladda Hoose ee Xamar halkaasi oo ay ka socoto howlo dib loogu dhisayo xarunta “UFFICIO GOVERNO” si ay uga qeyb qaataan dib u dhiskaasi. (SAWIRO)

Ufficio Governo.jpg2

Ururku ugu deeqay Maamulka Gobolka Benaadir 25 gaari oo nuuriyad ah, waxaana goobtaasi gaaray mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Iskaashatooyinka Soomaaliyeed ee UDHIS iyo xubno kale oo maamulka Gobolka ka tirsan.

Mudane Cabdulaahi Rooble Shadoor oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Ururka Iskaashatooyinka oo saxaafadda kula hadlay xarunta dowladda Hoose ee Xamar ayaa sheegay in 25- gaari oo ah nuuca iska ragaha ah oo waday nuuriyad ah tahay mid ay uga qeyb qaadanayaan howlaha dib loogu dhisayo xarunta “UFFICIO GOVERNO”.

Mudane Cali Maxamuud Faarax “Cali Seeko” oo ah Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ugu mahadceliyay Ururka Iskaashatooyinka Soomaaliyeed ee UDHIS gacanta ay ka geysanayaan dib u dhiska xarunta, waxaana uu dadka Soomaaliyeed ku booriyay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska xarumaha danta guud.

Ufficio Governo

Dib u dhiska xarunta Dowladda Hoose ee Xamar eoo horay loo yaqaanay “UFFICIO GOVERNO” ayaa waxaa maalgelinaya isla Dowladda Hoose ee Xamar, kaas oo hadda maraya wejigii Koowaad meel aad u wanaagsan, waxaaana sida mas’uuliyiinta Dowladda Hoose ay sheegeen qorshuhu uu yahay in muddo 6 bil ah lagu gabagabeeyo guud ahaan dhismaha xaruntan

SomaliSwiss     Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: