Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Maanta Gelinkii dambe u ambabaxay Dalka Mareykanka.

Madaxweynaha oo u dhoofayMadaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxmauud iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii dambe ka duulay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda dalka Mareykanka, halkaasi oo uu kaga qeyb gali doono, shir ay madaxda dowladda Mareykanka la yeelanayaan Madaxda Qaaradda Africa oo soconaya 4 ilaa 6 bishan.

 Madaxweynaha waxaa safarkiisa ku wehliyay wasiirka arimaha dibadda iyo dhiiri galinta maalgashiga Soomaaliya iyo xubno kale.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa kusii sagootiyay wafdiga uu madaxweynuhu hogaaminayo ee u amba baxay dalka Mareykanka, R/wasaaraha C/wali Sh. Axmed Maxamed, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo mas’uuliyiin kale.

Markii ay garoonka diyaaradaha ku duushay diyaaraddii sidday wafdiga Madaxaweynaha ayaa waxaa qeybta nasashada ee garoonka diyaaradaha waxaa kula hadlay Radio Muqdisho iyo Talefashinka Qaranka R/wasaare C/wali Sh Axmed Maxamed wuxuuna sheegay in shirka ka dhacaya Mareykanka ay Soomaaliya la hortegi doonto qorshaha ay dowladdu ugu tala-gashay horumarinta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa dalka Mareykanka uga qeybgeli doona kulan loogu magac daray JIILKA dambe, waxaana la sheegay in si gaar ah loogu faaqidi doono danaha iyo baahiyaha ka dhaxeeya Mareykanka iyo wadamada Africa.

SomaliSwiss       Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: