Lix Xildhibaann oo katirsan Barlamaanka Federaalka ee kasoo jeeda Puntland oo oo gaaray Magaalada Garoowe.

Cabdiweli gaasMagaalada Garoowe ayaa waxaa maanta gaaray Lix Xildhibaan oo tirsan Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kamid ah xildhibaannada Puntland kasoo jeeda. (SAWIRO)

Xildhibaanada Puntland.jpg1

Xildhibaannadan, waxaa horkacayey Xildhibaan Xasan Abshir Faarax. Garoonka diyaaradaha waxaa kusoo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo wasiirro u badan, kaddibna, xildhibaannadu waxay usoo gudbneen dhanka aqalka madaxtooyada, halkaasoo uu ku qaabilay si diirranna ugu soo dhoweeyey Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo si kooban warbaahinta ula hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay soo laabashada xildhibaannada iyo weliba sida ay uusoo ajiibeen baaqii horay loogu jeediyey ee ahaa inay Puntland dib ugu soo noqdaan.

Xildhibaanada Puntland

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Xildhibaan Xasan Abshir Faarax, isagoo ku hadlayey afka xildhibaannada ayaa isna sheegay inay si weyn ugu faraxsan yihiin in iyagoo nabad qaba ay deegaanada ay kasoo jeedeen dib ugu soo noqdaan.

Mudane Xasan Abshir oo sharraxayey ujeedada ay xilligan Puntland u yimaadeen waxaa hadalladiisii kamid ahaa: “markii aanu maqalnay baaqii aad soo jeediseen, Puntland dadka kaga jira in la yimaado waanu soo dhaqaaqnay runtii waxna ma aanan sugin Ilaahayna nabad buu nagu keenay “

Dhanka kale, arrintan ayaa timid Kaddib markii taariikhdu markay ahayd 30/7/2014 magaalada Muqdisho lagu dhisay maamul goboleedka Gobollada Dhexe oo ka kooban Gal-guduud iyo Mudug, maamulka Puntland wuxuu shaaciyey in gebi ahaanba uu xiriirka u jaray Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Si Kastaba , Maamulka Puntland wuxuu wada-tashi ugu yeeray dhammaan xubnaha kasoo jeeda deegaannada Puntland ee ku jira Dowladda Federaalka, kuwaas oo ilaa 15-ka bishan Agoosto loo qabtay inay magaalada Garoowe kusoo xaadiraan.

SomaliSwiss Garoowe
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: