Advertisements

War dheeraad ah ee ka soo baxay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday Xarunta Nabadsugidda Qaranka.

Muqdisho NabadsugiddaWar dheeraad ah ayaa kasoo baxay weerar ay Koox ka tirsan Xarakada Al-shabaab maanta ay ku qaadeen xabsiga Godka Jilicow oo ku yaalla gudaha xarunta Nabadsugidda gobolka Banaadir oo ku dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo saraakiil ka tirsan kuwa nabadsugidda dowladda ay sheegeen inay soo afjareen weerarkaas ayna ku dileen goobta dhammaan kooxihii weerarka soo qaaday.

Continue reading

Advertisements

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Xarunta Midowga Yurub oo Warbaahinta uga waramay dacwaddii ay dowlada Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda QM.

Danjire Cali Siciid FaqiDanjire Cali Siciid Faqi oo ah Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub iyo dalka Belgium, ayaa maanta uga warramay Warbaahinta dacwaddii ay dowladda Soomaaliya u gudbisay maxkamadda QM ee la xiriirtay muranka xuduudeedda badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Continue reading

Koox ka tirsan Xoogagga Xarakada Al-shabaab oo maanta weeraray Xabsiga Godka Jilacoow ee magaalada Muqdisho

Al-Shabaab insurgents.jpg1Warar naga soo gaaray Saakay ayaa sheegaya in kooxo ka tirsan Al-shabaab ay weerar xooggan ku qaadeen Xarunta Nabadsugidda Gobolka Banaadir oo ku taalla xabsigii godka jilacoow oo ku dhow Barlamaankii hore ee Soomaaliya. Continue reading

Ciidamada XDS oo gacan ka helaaya Kuwa AMISOM oo la wareegay Deegaanno ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe

Jowhar.jpg2Howlgalka Badweynta Hindiya oo loogu saarayo Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa waxaa uu shalay ka bilowday gobolka Shabeellaha Hoose, sidoo kalena waxaa maanta ciidamada XDS oo gacan ka helaaya kuwa AMISOM ay ka billaabeen G/Sh/Dhexe. Continue reading

Wafdigii uu hoggaaminayey Wasiirka arrimaha Gudaha Iyo Barre Hiiraale Oo Caawa Soo Gaaray Muqdisho.

???????????????????????????????Wafdigii xukuumada Federaalka Soomaaliya oo uu wehliyo Col. Barre Hiiraale ayaa Maqrabnimadii maanta soo gaaray magaalada Muqdisho. Wasiirka arrimaha gudaha C/llaahi Goodax Barre oo maalmihii la soo dhaafay howlo nabadeyn ah u joogay magaalada Kismaayo ayaa ku guuleystay iney Barre Hiiraale ku qanciyaan inuu qaato hanaanka nabada.

Continue reading

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku riday Eedeysanayaal.

Dil toogasha ah.jpg5Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku riday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo horey Maxkamadda darajada kowaad xukuntay.
Continue reading

Xarakada Al-shabaab oo laga qabsaday deegaanada Gol-weyn iyo Buulo-mareer iyo dadweynihii deegaanka oo ka Barakacay goobahaas.

AMISOMWarkii ugu dambeeyay oo goor dhow naga soo gaaray Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen deegaanada Gol-weyn iyo Buulo-mareer iyo dadweynihii deegaanka oo ka Barakacay.
Continue reading

%d bloggers like this: