Advertisements

Nicholas Kay oo taageeray heshiiska maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Nicholas Kay1Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay heshiiska hal maamul loogu dhisayo gobollada dhexe ee Soomaaliya ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Mudane Nicholas Kay ayaa tallaabadan ku tilmaamay hirgalinta nidaamka federalka oo ah in la xoojiyo dhismaha maamullada gobollada dalka.

Sidoo kale Wakiilka xoghayaha guud ee Q.M. ayaa xusay in dhisidda maamul loo dhan yahay lagu gaari karo oo kaliya wadahadal iyo iskaashi ay yeeshaan dhinacyada ay quseyso.

Dhanka kale Mudane Nicholas Kay ayaa Wuxuu tilmaamay in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay taageeridda dadaallada nabadda iyo horumarka ee ay waddo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

Advertisements
%d bloggers like this: