Advertisements

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta Booqasho gaaban ku gaaray magaalada Garbahaarrey ee Xarunta G/Gedo.

war degdeg ahMadaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho gaaban ku tagay magaalada Garbohaarrey ee xarunta gobolka Gedo.

Madaxweynaha waxaa ku soo dhoweeyay gegida diyaaradaha ee Garbohaarreey, mas’uuliyiinta gobolka, Saraakiisha ciidammada qalabka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynuhu waxa uu kulammo la leeyahay mas’uuliyiinta gobolka iyo dadka deegaanka oo uu kala hadlayo arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan nabad gelyada gobolka iyo abaaraha saameynta ku yeeshay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Gedo.

Socdaalkan ayaa ah booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne Xasan Sheikh ku tago Garbohaarrey.

SomaliSwiss     Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

Advertisements
%d bloggers like this: