Dadweynaha ku nool degmada Dhuusamareeb ayaa soo dhoweeysay heshiiskii shalay magaalada Muqdisho ay ku gaareen Mas’uuliyiinta maamullada gobollada Galgaduud iyo Mudug, kaas oo ahaa in hal maamul loo sameeyo gobolladaasi.
Heshiiskan maamulka loogu sameeynayo gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa shalay gelinkii dambe lagu saxiixay magaalada Muqdisho, waxaana arrintaasi soo dhaweeyay qeybaha bulshada ee ku nool degmada Dhuusamareeb.
Madaxa ururrada bulshada ee degmada Dhuusamareeb Cadceed Sheekh Doon Diiriye oo la hadlay Warbaahinta ayaa soo dhaweeyay heshiiska maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud oo gelinkii dambe ee shalay lagu saxiixay Muqdisho.
Heshiiskan ayaa wuxuu Mudane Cadceed ku tilmaamay mid taariikhi ah oo horumar u horseedi kara bulshada ku nool gobolladaasi, isagoo ugu baaqay bulshada gobolladaasi iney taageeraan oo ay soo dhaweeyaan heshiiskaasi.
Kulankii lagu saxiixayey heshiiska maamulka loogu sameeynayey gobollada Mudug iyo Galgaduug, ayaa waxaa goob joog ka ahaa madaxda Qaranka iyi qaar ka mid madaxda beesha Caalamka uga Wakiilka dalka Soomaaliya.
SomaliSwiss       Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.