Advertisements

Ciidamada Ammaanka dowladda iyo kuwa AMISOM oo baaritaan ka wada Suuqa weyn Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

BaaritaanwadadaCiidamada Ammaanka dowladda iyo kuwa Amisom oo is kaashanaya ayaa maanta howlgal baaritaan ah ka wada Suuqa weyn Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dhaqdhaqaaqa ganaciga ee suuqa ayaa guud ahaanba Saacadihii hore ee saaka xayiran, waxaana xiran inta badan jidadka muhiimka ah ee Suuqa Bakaaraha soo gala.

Sidoo kale waxaa saaka ay ciidamadu xireen Waddooyinka muhiimka ah ee kamid ah: Baar Ubax, Black Sea, Al-Baraka iyo Isgoyska Shiirkoole. Dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka ayaa gabaabsi ah inta badan goobaha ganacsiga ee suuqaas ku yaalna saaka lama furin.

Ciidamo Dowladda  oo baaritaanoSaraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo warbaahinta si kooban ula hadlay, ayaa howlgalkan ku micneeyey mid suuqa looga safaynayo hubka, islamarkaana lagu raad goobayo xubno ka tirsan Al-shabaab.

Dhanka kale Ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa bishii la soo dhaafay ahaa mid aan wanaagsanayn, waxaana intii lagu guda jirey bishii Ramadaan oo keliya lagu dilay ku dhowaad 80 qof oo isugu jirey mas’uuliyiin dowladda ka tirasn, askar iyo shacab oo Muqdisho loogu diley siyaabo kala duwan.

Ha yeeshee ma ahan markii ugu horreysey ee ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay Suuqa bakaaraha howgal ka sameeyaan. Baaritaannada caynkan ah ayaa caadi ka ah magaalada Muqdisho, waxaana xilliyada qaar lagu soo qabqabtaa dad lagu tuhmayo inay falalka ammaan darrida ah qayb ka yihiin.

SomaliSwiss       Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: