Qaabkii ay Soomaalida ugu Ciidey Magaalada Zurich ee dalka Switzerland (DAAWO SAWIRADA).‏

Salaada Ciida.jpg2

HOOS KA DAAWO SAWIRADA KALE

Waxaa si weyn looga ciidey guud ahaan, Dhulalka muslimiinta sidoo kale Dhulalka dadyowga muslimiinta ahi joogaan, Adduunka oodhan, haddaba dalka Switzerland Gaar ahaan Magaallada Zurich ayaa si weyn looga ciidey.

Salaada Ciida

Bulshada Muslimiinta ah ee ku dhaqan dalkaas, gaar ahaan kuwa Soomaalida ah ayaa dareen farxadeed oo wanaagsan ku ciidey, Qoysaska Soomaaliyeed ayaa isugu yimid badankoodu, Masaajidka Alraxman ee Magaallada Zurich.

Masaajidkan ayaa ah goob si weyn uga qayb qaatey kulminta iyo kaalmeynta umadda Soomaaliyeed, Dal iyo dibadba, Masaajidka oo bishii ramadaan, ay ka socdeen Dacwada islaamiga ah muxaadaraad iyo Kutuba, ayaa haddana sidoo kale waxaa lagu bixin jirey Afurinta dadka Sooman, waxaa sidoo kale laga taageeraa, dadka Soomaaliyeed ee waddanka ku tabaalaysan, Ka hor masaajidkan, Jaalliyada Zurich waxay ahaayeen kuwo aan lahayn meel ay ubadkoodu wax ku bartaan ama dhallinyaradu ka barato qawaacida diinta islaamka ah.

Salaada Ciida.jpg3

Isku soo wada duub ee markaad aragto Bulsho Soomaaliyeed oo isku duuban oo si wadajira u ciideysa, Ciroole iyo Carruurba waxaa ku gelaysa, Yididiilo farxadeed iyo Boholyoow dalkaagii kuugu dhaca.

Masaajidka ayaa waxaa lagu qaybinayey, maalinimada Carruurta Soomaaliyeed si loo baro, Muhiimada iyo weynida maalintan, Cuntooyin macmacaan leh iyo cabitaanno uu masaajidku ugu talogalay ubadka Soomaaliyeed.

Salaada Ciida.jpg1

Sida aad kor ka aragto, dad tiradoodu kor u dhaafayso 500 oo qof ayaa maalintaa isugu yimid oo rag iyo dumarba leh. waxaana si weyn loo muujiyey dareenka farxadeed ee maalinta ciida.

Waxaa hawshan had iyo gooraale isku dubarida, Gudiga iyo Culumada gacanta ku haysa Masaajidka

SomaliSwiss Zürich

Weriye : Cabdiraxiin H. Galayr
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: