Hoggaamiye Beeleedka maamulka KMG ah oo sheegay inay u diyaar-garoobeen la wareegidda Jubbooyinka.

Madaxweyne_Xasan_Sheekh_Kismaayo_5Hoggaamiye Beeleedka maamulka KMG ah ee Xoogga ku haysta magaalada Kismaayo ee G/Jubbada Hoose, Sh. Axmed Madoobe ayaa sheegay in maamulkiisu uu u diyaar-garoobay sidii deegaannada ka maqan gacantooda ee Jubbooyinka ay dib ugu soo ceshan lahaa.

Sidoo kale, Sh. Axmed Madoobe ayaa sheegay inay sugayeen inta ay ka dhammaanayso bishii Ramadaan, balse ay howlgalkooda billaabayaan, isagoo shacabka iyo ciidamada ugu baaqay inay u diyaar-garoobaan dagaal kama dambeys ah oo ay la galaan Al-shabaab.

Axmed Madoobe oo war-fidiyeenka kula hadlayey Kismaayo wuxuu Yiri: “Waxaa u diyaar-garownay weerar aanu doonayno inaan ku qaadno meelaha Jubbooyinka ay ka haystaan cadowga, waa in loo diyaar garoobaa sidii aan uga cadowgaas deegaannadeenna uga saari lahayn”.

Hoggaamiyaha ayaa xusay in qorshahooda ugu weyn uu yahay sidii gobolka Jubbada dhexe oo ay gacanta ku hayso Al-shabaab ay duulaanka xooggan ugu qaadi lahaayeen si ay kooxdan uga saaraan.

Dhanka kale, Sheekh Axmed Madoobe wuxuu sheegay in howlgalkan ay ka qaybqaadan doonaan ciidamada Kenya ee AMISOM ka tirsan, iyadoo dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo xarumaha ay ciidamada Kenya iyo kuwa Jubba ku leeyihiin magaalada Kismaayo.

Inkastoo maamulka KMG Jubba uu shaaciyay inay weerar ku yihiin meelaha ay Jubbooyinka kaga sugan yihiin Al-shabaab, ayaanay haddana jirin wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-shabaab.

Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa weli gacanta ugu jirin saddex gobol ee uu sheeganaya oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo kala ah: Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

SomaliSwiss        Kismaayo
SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: