Haweenay magaalada Muqdisho ku dhashay Caruur Mataanno ah oo isku dhegan waa Mucjisada Adduunka!!

Mucjiso1Haweenay Soomaali ah ayaa waxay magaalada Muqdisho ku dhashay Caruur Mataanno ah oo isku dhegan waa Mucjisada Adduunka!!; Carruuntani isku dhegan ayaa waxa ay 24-kii bishaan ku dhasheen magalada Muqdisho, waxaana dhashay gabar ugub ah, iyadoo ilaa iyo hadda an lagayn Cisbitaal si loo la socda xalaadeeda cafimaad maamada ay ka dhalisay carruurtaani mataanaha ah Umuliso dhaqameed. (SAWIRO)

W. Khadiijo-MaxamedWasiirka Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo maanta booqatay labo mataano oo isku dhegan oo ku jira Cisbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa balan qaaday in ay ku dadaali doonto sidii mataanahaasi caafimaad dibadda ah loogu qaadi lahaa.

Labadaan mataanaha ah ee dhabarka dambe isaga dhagan ayaa waxa ay wadaagaan hal beer iyo xubno badan oo ka mid ah jirkooda, waxaana waalidiinta dhalay carruurtaasi ay codsadeen in loo raadiyo kaalmo caafimaad oo dibadda ah.

Mucjiso1Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo markii ay gaartay Cisbitaalka ayaa ugu horeyn kulan gaar ah la qaadatay Aabaha dhalay iyo ayaydood oo uga xogwaramay xaaladda caafimaad ee labada mataanaha ah ee isku dhegan.

Wasiirka Wasaaradda haweenka iyo xuquuqda aadanaha ee Xukuumadda Soomaaliya oo la hadashay Warbaahinta Qaranka u kuurgelidda xaaladooda caafimaad kaddib ayaa xustay in ay ku dadaali doonto sidii caafimaad dibedda ah loogu qaadi lahaa, maadaama dhaqaatiirtu ay sheegeen in haddii loo helo dhaqaatiir wanaagsan la badbaadin karro carruurta.

“Waxaan rabnaa in aan dadaal u galno ka dowlad ahaan in wax loogu qabto carruurtani, waxaan ku dadaali doono sidii aan ula xiriiri lahayn safaaradda Iran ee Soomaaliya iyo Wasaaradda caafimaadka, si loogu helo adeegyo caafimaad oo dheeraad ah” ayay tiri Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Wasaaradda haweenka iyo horumarinta xaquuqul insaanka ayaa ka dalbatay qayska hooyadani dhashay ilmahaani matanaha ah ee isku dhagayn in ay hooyadood u keenan carruurta si loo ogaado xaaladeeda cafimaad.

“Sida aad maqasheen hooyada dhashay labadaani mataano ah waxaan maqalnay inay ka maqantahay Cisbitaalka marka waxaan ka codsanay in hooyada halkaan loo keeno oo ay ka warqabto xaaladda carruurteeda” ayay markale Marwo Khadiijo hadalkeeda ku dartay.

Booqasho tan la mid ah ayaa maalintii ciidda waxaa labadaasi mataanaha ah ee isku dhegan ku tegay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo shaaciyay in arrintaan uu la wadaagi doono Madaxda Qaranka, carruurtaasi loogu fidiyo adeegyo caafimaad.

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

<span>%d</span> bloggers like this: