Ciidamada amniga oo ku guuleysteen inay toogasho ku dilaan Dhagar-qabe ka tirsan Al-Shabaab oo dil u geystay askari.

Suuqa BakaarahaCiidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta gudaha suuqa bakaaraha ee magaalada muqdisho ku toogtay dhagar qabe ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab kaasoo dil u geystey askari ka tirsanaa ciidanka.

Maxamed Yuusuf Cismaan Afhayeenka Wasaaradda amniga Qaranka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada amniga ay ku guuleysteen in ay dilaan dhagar qabaha dilka u geystay askariga, kaddib markii uu isku dayay in uu goobta ka baxsado.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa xusay in meydka ay u soo bandhigeen saxaafadda, islamarkaana ciddii isku dayda inay falal amni darro ah abuurto gacan bir ah lagu qaban doono, haatanna ay degantahay xaaladda suuqa bakaaraha.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: