Kooxda Al-shabaab ayaa ku gooddisay in ay beegsan doontaan diyaaradaha sahayda u sida ciidamada AMISOM ee ku sugan gobollada dalka Somalia.
Sheekh Cali Dheere oo boqollaal dadweyne ah kula halayay Baraawe kaddib salaaddii ciidda ee shalay ayaa sheegay in AMISOM ay ku jiraan xaalad aad u adag, ayna ku goādoomiyeen deegaannadii ay Al-shabaab ka qabsadeen sannadkan.
āCiidamada AMISOM waxay kasoo bixi laāyihiin dhufeysyadooda, waayo waa ku goādoonsan yihiin deegaannadii ay qabsadeen, waxaa sahayda u geeya diyaarado kuwa qummaatiga u kaca ah, kuwaasna waan beegsan doonnaa,ā ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab.
Afhayeenka oo sii hadlaya ayaa sheegay inay dhawaan diyaarad ka mid ah kuwa sahayda u geeya ciidamada AMISOM ee ku sugan gobolka Galguduud ay ku guuleysteen inay soo ridaan, ayna qorsheyanayaan inay kuwa kalena sidaas oo kale u soo ridaan.
Afhayeenka AL-shabaab ayaa sheegay inay weerarradoodii Muqdisho sii wadayaan, isagoo xusay inay xoogaggoodu diyaar u yihiin inay naftooda huraan sidii ay cadowga ula dagaalami lahaayeen.
Sheekh Cali Dheere oo hadalkiisa sii wato wuxuu ku daray ee uu yiri: āWaxaa naga goāan inaan weerarno, madaxtooyada, garoonka diyaaradaha iyo meelaha muhiimka ah sida isgoyska KM-4, nagama hor-istaagi karaan inaan weerarro ka fulinno goobahaas, innaga waan isku kallsoonnahay 100%, dibadda ayaana soo istaagi doonnaa, waana la arki doonaan keennii dhintaā.
Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa Muqdisho ka fulisay bishii Ramadaanka ee lasoo dhaafay weerarro isugu jiray dilal qorsheysan, dagaallo iyo kuwo toos ah oo xarumo ay ka mid tahay madaxtooyada la beegsadeen.
Tirada dadkii ku dhintay dilalkii ka dhacay Muqdisho ee ay Al-shabaab geysatay ayaa waxaa inta la ogyahay dhan yihiin 71-qof oo ay ku jiraan laba xildhibaan oo baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan, kuwaasoo ay toogteen rag gaadiid wata.
SomaliSwissĀ Ā Ā Ā Ā Ā Ā Baraawe
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.