Shalay oo Isniinta ahayd ayaa waxaa Munaasabadda Ciidul Fitriga si isku mid ah looga wada Ciiday dhammaan wadamada Caalamka Islammka iyo kuwa ay Islaamka ku yar yihiinba, balse waxaa xusid mudan in gobollada dalka Soomaaliya oo idil laga dareemay mid ahaansha Diineed, waxayna Ciidan noqtay mid si reynreyn iyo Farxad leh looga wada Ciiday dalka oo ay ugu horreyso caasimada Muqdisho. (SAWIRO)
Sidoo kale wararka Farxadda Ciida ee aynu ka helnay Kantoonada dalkan Switzerland, ayaa sheegaya in maanta Muslimiinta ku nool Magaalooyinka waaweyn oo idil ay si weyn ugu dabaaldegay ciidul fitriga sida: Magaalooyinka Berna, Zürich, Geneve, St. Gallen, Lausanne iyo kuwa kaleba.
Soomaalida ku nool Magaalada Zürich
Muslamiinta ku nool Magaalada Zürich ayaa Saakay aroortii u dareeray degmada Dietikon ee Kanton Zürich, halkaas oo lagu ballansanaa in si wada jir ah loogu Tukado Salaada Ciidul Fitriga, sidaas awgeed, Muslamiinta Kanton Zürich, iyagoo isku duuban yar iyo weyn, Rag iyo Dumar ayey si farxad iyo reynreyn ah ugu wada tukadeen bartii ama goobtii loogu talagalay in ay ku kulmaan ee ku taala Stadthalle Dietikon.
Soomaalida Kanton Zürich ayaa Munaasabadda Salaada Ciidul Fitriga ka dib ku kala Ciiday si gooni gooni ah, taas oo loo arki karo inay jirto kala fogaansho fikradeed, mana aha markii ugu horrexsay ee ay dhacdo arrintan, hase yeeshee Khilaafka iyo kala duwanaanta fikradeed ayaa keeni karta in caruurtooda ay lumiyaan Soomaalinimada iyo dhaqanka suuban ee soo jireenka ah.
Qaar ka mid ah Jaaliyaadaha Soomaalida ee wadamada Yurub ayaa si isku duubni ah uga wada ciiday wadamada ay ku nool yihiin, balse waxaa nasiib darro ah in dalka Switzerland ay Caruurtooda heli waayeen Barnaamijka loogu tala galay in lagu maaweeliyo iyo meeeshii ay si xurnima ah ugu cayaari lahaayeen Caruurtaas.
Hoggaanla Sare ee Jaaliyadda Kanton Zürich iyo qaar ka mid ah Culamada Soomaaliyeed ayaa mar-kasta isku dayey in Soomaalida ay wacyi geliyaan sidii ay ugu midoobi lahaayeen danahooda, balse taasi ma noqonin mid suurta gasha, Sababo jira awgeed.
Si Kasta ha ahaatee, qaar ka mid ah Jaaliyadda Kanton Zürich, sida Waaladiinta, Culumada ka mid ah magaalada Zürich ayaa waxay isugu tageen Xaafad Casho ah, halkaas oo ay ku wada Casheeeyeen, islamarkaasna ay ku wada sheekeysteen.
Waxaana halkaas muxaadaro diini ah ka jeediyey Sheikh C/Xakiim Sheikh Cali Suufi, sidoo kale dadkii ka soo qayb galay ayaa waxay halkaas isu dhaafsadeen Aaraa kala ee la xiriirta aayaha Soomalida ku dhaqan Gobolkan Zürich, gaar ahaan Jiilka soo koraaya,
Dhanka kale Casho sharf oo dhadhan leh oo isku soo dubarriday kheyr Alle ha siiyee Mudane Cabdalla Saciid ayaa kulankaas lagu cunay, sidoo kale kulantaas oo socday ilaa iyo Saacadda markey ahayd 23ka Habeennimo, wuxuuna ku soo gebagaboobay si farxad ah.
SomaliSwiss    Zürich
W.Q Dhicisow
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.