Gaari walxaha qarxa ay kusoo xireen kooxda Al-Shabaab oo ay ciidamada amniga fashiliyeen.

FashilCiidamada ammaanka dowladda ayaa maanta fashilayay gaari uu lahaa nin shacab ah oo ay maleeshiyada Al-Shabaab ku xireen walxaha qarxa, si ay waxyeelo u gaarsiiyaan muwaadinka Soomaaliyeed iyo bulshada inteeda kale.

Fashil qarax.gif1Saraakiisha amniga ayaa gaariga iyo walxaha ee ay ku xireen u soo bandhigay saxaafadda, waxaana hay’adaha amnigu ay ku guuleysteen in waxlaha qarxa laga furo, iyadoo aan cidna sameeyn ku yeelan, waxaana goobtii lagu soo bandhigayay gaariga ay ku sugnaayeen maamulka Degmada iyo xubno kale.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in xog ay ka heleen shacabka laguna wargeliyay Maamulka Degmada C/casiis, isagoo xusay in muwaadinkii warbixintaasi soo gudbiyay ay Wasaaraddu ku abaalmarisay lacag, uuna ka codsanayo in la xoojiyo taageerada hay’adaha amniga ay shacabka siinayaan.

Guddoomiyaha degmada C/casiis Cismaan Maxamudiin Cali Cariif ayaa ka codsaday shacabka inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, islamarkaana ay sii xoojiyaan talaabooyinka lagu fashilinayo falalka ay maleegayaan.

Wasaaradda amniga ayaa balan qaaday in qofkii sheega falalka ay maleegayaan maleeshiyada Al-Shabaab la abaalmarin doono, islamarkaana ay Wasaaraddu xoogga saareyso sidii ay u qarin lahayd qofkii xogtaasi soo gudbiya.

SomaliSwiss     Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: