Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed “Nusoj“ oo Cambaareyey Qarax lagu rakibay Gaari uu leeyahay Wariye Ka Tirsan Ururka.

Ururka nusojUrurka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay isku daygii fashilmay ee la rabay in lagu qaarajiyo Wariye Maxamed C/llaahi Xaaji Oo Ka Tirsan Warbaahinta Qaranka islamarkaana loogu xiray gaarigiisa, waxaana ay ku tilmaameen mid cadowtinimo oo lagu leynayo wariyeyaasha u qidmeynaya bulshada Soomaaliyeed.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee Nusoj ayaa waxa lagu Yiri, waxaa nasiib wanaag ah in dhagarta lala maleegayay Wariye Maxamed C/llaahi Xaaji uu ka badbaaday, waxaana ay ku tilmaameen dadkii ka dambeeyay falkaasi in ay ahaayeen dad ka soo horjeeda jiritaanka Umadda Soomaaliyeed iyo howsha baaxadda leh oo ay ugu qidmeynayaan bulshada Soomaaliyeed.

“Dowladda Soomaaliya waxaan ugu baaqeynaa in baaritaan dhab ah ay ku sameyso dhagar qabayaasha ku xiray gaariga Wariye Xaaji ee doonayay in ay dilaan, waxaana arrintan ay qeyb ka tahay beegsiga wariyeyaasha lagu beegsanayo howshooda” sidaasi Waxa yiri Xogyaha Guud Ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Bakistaan.

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: