Culummada Soomaaliyeed oo si kulul u Cambaareeysay duqeymaha Yuhuudda ay ka wado Gaza

Majmaca culummada Soomaaliyeed.jpg1Culummada Soomaaliyeed ayaa si kulul u cambaareeysay duqeynta Yuhuuddu ay u geysatay dadka maatada ah ee ku dhaqan Marinka Gaza ee dhulka Falastiin, kaas oo ay ku dhiteen dad farabadan.

Majmaca culummada SoomaaliyeedKulan ay culummadu ku yeesheen Muqdisho  ayaa waxay yiraahdeen in duqeyntani ay tahay mid aad looga xumaado ayna ku dhimanayaan dad badan oo shacab ah oo ay ku jiraan carruur aad u da’yar.

Sheekh Axmed Macallin Yuusuf oo ah Guddoomiye ku xigeenka Majmaca culummada Soomaaliyeed oo kulankan ka hadlay ayaa sheegay in ummadda muslimiinta ah, gaar ahaan Somaalida looga baahan yahay in ay garab-is-taagaan walaalahood reer Falastiin oo ay ka dhiidhiyaan xasuuqa Yahuuddu ku hayso.

Sidoo kale, Sheekh Axmed Macallin oo xusay in ka culummo ahaan ay si adag u cambaareynayaan duqeyntaas wuxuuna yiri : “Waxaa looga baahan yahay muslimiinta oo dhan, gaar ahaan Soomaalida inay af iyo adinba ku garab-istaagaan walaalahooda Falastiin ee dhibaatada lagu hayo”.

Waxaa kaloo kulanka ka hadlay Sheekh Axmed Xasan Al-Qudubi oo sheegay in dhibaatada halkaas ka jirta ay mas’uul ka yihiin dalalka Carabta oo indhaha ka qarsaday sida uu sheegayo dhibaatada ay Yuhuuddu ku hayso shacabka Falalstiin.

Sheekh Axmed Al-Qudubi oo hadakjiisa sii wato ayaa wuxuu si caro ay ku jirto u yiri : “Dalalka Carabta ayaa ma’suul ka ah dhibaatada loo geysanayo Falastiiniyiinta, waayo wax jawaab ah kama bixin weligood dhibaatada shacabka Falastiin lagu hayo. Yuhuuddu markii ay doonto ayay duqeysaa, mana jirto cid la hadasha”.

Si kasta ha ahaatee Maamulka Israel ayaa ku dhawaaqay shalay inay xoojinayaan duqeymaha ay ku hayo Marinka Gaza, kuwaasoo galay toddobaadkii saddexaad, waxaana tan iyo markii ay duqeymahan billowdeen ku dhintay 800-qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan caruur yar-yar iyo haween.

SomaliSwiss   Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: