Ciidamada Ammaanka oo Xalay howlgallo gaaf-wareeg ah ka billaabay xaafadaha magaalada Muqdisho.

Howlgal-Booliis.jpg1Ciidamo isugu jiro Booliis iyo nabadsugid ayaa xalay hawlgallo gaaf-wareeg ah (Rondo) oo lagu adkeynayo ammaanka ka billaabay caasimadda Muqdisho.

Ciidamada howlgalka sameeynaya ayaa wata 10 ka mid ah gaadiidka dagaalka kuwaas oo la arkayay xalay iyagoo gaaf meeraya waddooyinka magaalada Muqdisho isla markaana joojinaya gaadiidka qaar baaritaanana ku sameynaya.

Wasaaradda amniga ayaa sheegtay in hawlgallada roondada ah ee xalay ka bilowday Muqdisho uu noqon doono mid si joogto ah looga samaynaayo magaalada oo dhan.

Howlgalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii Wasiirka Wasaarada Amniga Qaranka Gen. Khaliif Axmed Ereg, uu soo saaray qorshayaal wax looga qabanaayo ammaanka Muqdisho.

Tani, ayaa waxay ku soo aadeysaa, xilli maalinimadii Arbacada Magaalada Muqdisho lagu dilay Allaha u naxariistee Xildhibaan Saado Cali Warsame, oo ka tirsaneyd Baarlamaanka.

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: