Maxkamadda Ciidamada oo maanta barqadii xukun dil ah ku fulisay afar qof oo horay dil ugu Xukuntay.

???????????????????????????????Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta barqadii xukun dil ah ku fulisay afar ruux oo ay horay xukunno dil ah ugu ridday, kuwaasoo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Dil toogasha ah.jpg2Dadkan xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa waxaa laba ka mid ah oo lagu magacaabi jiray, Mustaf Maxamuud Shidane oo 22-jir ahaa iyo Cabdinaasir Khaliif Maxamed oo 21-jir ahaa, ay toogasho ku dileen askra ka tirsan ciidamada amniga dowladda oo lagu magacaabi jiray, Cabdi Maxamed Xuseen ayna ka qaateen qorigii uu watay.

Sidoo kale, waxaa ku jiray afartii qof ee Maanta la tootay, Caawiye Axmed Jaamac 25-jir ahaa oo qarax ka fuliyay hoteel Maka Al-mukarama sannadkii lasoo dhaafay, kaasoo guddoomiyaha maxkamadda ciidamadu uu sheegay in qaraxaas uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qofka afaraad ee la dilay ayaa isagana waxaa magacaabi jiray, Nuur C/lle Cawaale 21-jir ahaa ayuu guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida wuxuu sheegay in lagu soo qabtay bishii May qori hoobiye ah iyo saddex xabbadood oo rasaastiisa ah, kaasoo uu sheegay in Al-shabaab ay ku duqeyn jireen magaalada Muqdisho.

Dilka kaddib ayaa waxaa saxaafadda Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya, Col. Liibaan Cali Yaroow oo sheegay in dhammaan afarta qof ee la toogtay ay maxkamaddu ku heshay dambigii lagu soo eedeeyay ayna ku ridday xukunno dil ah, maatana lagu fuliyay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in afarta qof ee maanta ay toogteen ay qaar ka mid ah xukunnadii horay loogu riday ay rafcaan ka qaateen, balse mar kale lagu xukumay dil, maantana ay noqotay maalintii xukunka lagu fulin lahaa.

Dil toogasha ah.jpg3Xukunkan oo ka dhacay dugsiga tababarka booliiska ee Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiisha hay’adaha ammaanka, iyadoo sidoo kale ay goobta ku sugnaayeen dadwehne u soo daawasho tagay sida loo fulinayo xukunka.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii maxkamadda ciidamada qalabka sida ay xukun dil ah ku fulisay, laba dhallinyaro ah oo lagu helay inay toogasho ku dileen bishii Abriil ee sannadkan Nafiso Cismaan Salaad oo ahayd gabar dhallinyaro ah oo u shaqeynaysay mid ka mid ah hay’adaha Turkiga ee Muqdisho ka howlgala.

SomaliSwiss        Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

//

%d bloggers like this: